Gormaad wax garataan?

Gormaad wax garataan?

Waxaan nagu maqal ah, sida saxaafadu faafisay, in Bishan September 4th, 2010 in niman isku magacaabay inay dan Gadabuursi wadaan ay yeesheen shir telefoonn iyagoo kale jooga dalal kala duwan iyo Boorama. Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa mid lagu saluugsan yahay dawlada cusub, waxaa la yaab nagu noqotay kooxdaas oo afka soo marisay inay dan Gadabuursi ka hadlayaan anagoo ogsoon inay ahaayeen shaqsiyaad waligoodba hortaagnaa in danaha siyaasiga ah ee Gadabuursi laga hadlo balse waligood u adeegi jiray Rayaale iyo maamulkiisa.

Tani waxay la xidhiidhaa hadalo dhacdhac ah oo kooxdii Maamulkii dhacay ku afgobaadsadaan. Waxay ku celceliyaan sida kooxdan shirka telefoon yeelatay ka soo yeedhay in Awdal/Salal dulmanyihiin.

Tiiyoon cidina dafirayn in Awdal/Salal ku dulmanyihiin awood qaybsiga siyaasadeed, is waydiintu waxay tayay arintaasi ma waxay bilaabantay Rayaale dabadii mise waa xaqiiqooyin kow iyo labaatan jirsaday?

Dadka manta soo toosay ee ku ambanbaray dheeliga ka muuqda saami qaybsiga awooda Soomaliland, halkay ku maqnaayeen 21 kii sano ee inta daacada ihi qaylinaysay?

Waxaan xasuusanahay in marka laysku dayo in xaqa Gadabuursi la doonto, waxaa dhacaysay in Kooxda Rayaale aamintay waligoodba ay ku andacoon jireen in Gadabuursi waxba ka maqnayn. Waxaan xasuusanahay in dadaalkasta oo danta Awdal/Salal lagu dooni jiray in lagu eedayn jiray inay soo maleegeen Habar-Cafaan oo lagu astaameeyay inay u olalaynayaan Soomaliweyn.

Waxaan xasuusanahay in maalintii shirkii Carta la qabanaayay in dhowr iyo toban hal door oo HabarCafaan u badnayd jeelka loo taxaabay, dadkaas oo u hogaaminaayay Korneel Maxamad Maydhane. In dadkaas loo hadlo oo xadgudubka lagu sameeyay la cambaareeyaan kooxda manta soo toostay way ka soo horjeedeen. Maalintaas Gadabuursinimo miyayna jirin?

Kooxaha manta soo toosay ee wax saluugsani halkay ku maqnaayeen maalintuu Alle ha naxariistee  Jeneraal TALAN lahaa ereyadan: “Gadabuursow, haddaad dantaada meel uga soo wada jeesan waydoo, ood u aragtaan in qolo meel laga qaadanaayo, ogaada arintu waxay inaga noqon doontaa sheekadii dibigii casaa iyo kii madoobaa.”

Ilaah baan idinku dhaarshee, hadalkaas Jeneraalku ma yahay mid rumoobay. Markiise uu tolka u digaayay maxaa wax loogu qaadan waayay ileen eexasho nin wayn ayay ahayde?

Bal dhacdadan kale eega: Ma xasuusataan maalintii halyaygii Aw Cabdi Geele iyo Jacfar Aw Qoorgaab jeelka la dhigay? Yaa ka hadlay? Halkay Gadabuursinimadu ku qarsoonayd maalintaa?

Waxaa la yaab leh in Rayaale intuu joogay kooxdani u haysteen in cadaaladi jirtay. Xaqiiqaduse waxay tahay in wax cusub oo Silaanyo keenay inayna jirin balse dhibta jirtaa ay tahay mid Rayaale ka tagay oo muddo loo dhutin doono. Kooxda manta xanaaqsan ee waliba afka soo marinaaya inaan la karaameyn madaxda cusub ee Awdal/Salal matalaysa waa shisheeye kalkaal diidan hogaanka cusub ee Awdal/Salal.

Anagoo ogsoon Kooxahaasi cawaaqib xumada ay reebeen waxaan xasuusinaynaa inuu dalka gudihiisa jiro hogaan cusub oo ay hormood ay ka yihiin Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada matalaaya Awdal/Salal. Waxaan waliba xasuusinaynaa inta qurbaha joogta inuu jiro maamulka TLC ee ka soo maanguuray shirkii Minnesota ee inta maanta cabanaysaa ka soo horjeedeen iyagoo fulinaayay amaradii Rayaale. Danta Gadabuursina maaha mid ay ka hadlikaraan kuwii bohosha ku riday.

Waa qalinkii Jagne Cabdi Bakaal  — Borama

Wa bilaahi towfiiq

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player