Golaha Hoggaanka Tolka Warsaxaafadeed Baaq nabadeed iyo wanaag doojin

Golaha Hoggaanka Tolka

Warsaxaafadeed

Baaq nabadeed iyo wanaag doojin

                        Ku socda Somaliland, Itoobiya iyo bulshada Gobolada Awdal/Salal

MINNEAPOLIS, U.S.A, SEPTEMBER 27, 2010—Anaga oo ah, Golaha Hoggaanka Tolka, oo ay dhidibada u joojieen koox isugu jirta aqoonyahanno, xirfadley iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan tolka Gadabuursiga, bishii Abriil 1-3, 2010 magaalada Minneaplois, Gobolka Minnesota ee Carriga Maraykanka, si ay u ambaqaadaan geeddi socod dheer oo ay doonayaan in ay ku dardar geliyaan hoggaan dhaqameedkii Soomaalida iyagoo aragtiyo cusub ku duraya kuna horkacaya Tolka deggan Geeska Afrika iyo adduunka daafihiisa, waxay si werwer leh ula socdeen dhacdooyinkii aan quruxda badnayd ee dhawaan ka dhacay Gobolada Awdal/Salal ee Somaliland.

Dhacdooyinkaa oo ay ka mid ahaayeen kooxdii dablayda ahayd ee ka soo degtay xeebta u dhaxaysa magaalooyinka Saylac iyo Lughaya, muddaaharaadadii laab-la-kaca ahaa ee ka dhacay Boorama, saraakiisha ciidamada Xabashida ah ee la sheegay in ay soo galeen Gobolada Awdal/Salal, iyo sida awood darrida iyo habqanku ka muuqdo ee dawaladdu ku waajahday arrintan.

Sida la wada ogyahay nabadda iyo deganaanshuhu waxay ahaayeen waxa keliya ee Somaliland kasbatay ayna ku faanaan dadku sannadihii ina soo dhaafay, sidaa awgeed aad ayey noo werwer gelisay saamaynta ay dhacdooyinkani ku yeelan karaan nabadgelyada dadka, ammaanka waddanka, isbahaysiga wacan ee ka dhexeeya bulshada iyo awoodda ay xukuumaddu u leedahay xakamaynta waxa ka iman kara dhacdooyinkan.

Haddaba anaga oo kalsooni ku qabna garashada bulshooyinka reer Awdal/Salal iyo wacyiga xukuumada, welibana aqoonsan sida ay saddexda geesood oo Itoobiya ku jirto ugu xilhayaan nabadda iyo deganaanshaha Geeska Afrika, waxan ugu baaqaynaa:

  1. 1.      Bulshada Awdal/Salal:

 

  1. A.     In ay bulshada Awdal/Salal si xilkasnimo ku jirto iskugu hawsho in ay iska ilaaliyaan wax kasta oo dhaawici kara nabaddooda iyo degnaanshahooda, midnimadooda, iyo bahwanaagga ay laleeyihiin bulshooyinka ay ood wadaagga leeyihiin iyo kalsoonida ka dhexaysa iyaga iyo xukuumadda.
  2. B.      In ay bulshadu wixii xuquuqdooda ah ee ay tabanayaan u raadsadaan si sharciga waafaqsan oo ay mariyaan malkooyinka xukuumadda iyo haamaha  bulshada iyaga oo mar walba xakamaynaya dareenkooda niyaddana ku haya in haddii nabaddu ay meel ka xumaato ay dalkoo dhan nabaddiisa burburin karto oo aanay cidina ku lulanayn.
  3. C.      In bulshadu ay arrimahooda ku xalliyaan si ay ku jirto caqligii iyo dulqaadkii lagu yaqaanay dadka reer Awdal/Salal oo ay Xukuumadda ka caawiyaan siday xaaladda u dejin lahayd oo ay baadhitaan rasmi ah ugu samayn lahayd una bishli lahayd gol daloolooyinka jira dhinaca ammaanka iyadoo dadku raalli ka yihiin.

11. Xukuumadda Somaliland: 

  1. A.     In kasta oo aan ognahay in Xukuumaddu weli curdin tahay oo aanay weli lugaheeda si fiican dhulka ugu qotomin, waxa haddana meesha ku jirta in aanay waajibkeeda kaga baxsan karaynin in ay ku marmarsiiyooto in ay cusub tahay ama ay canaanta iskaga weeciso xilli la soo dhaafay. Taasi kama dulqaadi karto waajibka ka saaran in ay sugto ammaanka dalka iyo nabadgelyada dadka.
  2. B.      Sidaa awgeed, waxan Xukuumadda ku boorrinaynaa in ay qirato daldaloolkeeda ayna oggolaato wixii canaan ay leedahay, degdegna wax uga qabato sidii ay u sixi lahayd si ay ku kasbato una xajisato kalsoonida dadka.
  3. C.      Waxa kale oo aan Xukuumadda culays ku saaraynaa in ay iska ilaaliso in ay qaaddo tallaabooyin aan loo baahnayn ama ay sii dayso warbixino dab hurin kara dadka kalsoonidoodana ay ku lumin karto. Xukuumaddu waa in ay laabta ku haysaa in kasbashada kalsoonida dadku ay tahay hawl joogta ah oo had iyo jeer la bilkeedinayo, gaar ahaan marka ay doorasho ku guulaysato.
  4. D.     Dhab ahaantii waa masuuliyadda Xukuumadda in ay cabashooyinka dadka ee xaqa ah ay wax ka qabato iyo weliba werwerka dhinaca ammaanka ee bulshada Awdal/Salal iyo dalka intiisa kaleba. Waa in aanay iska indha tirin ilaa inta booguhu malaxaysanayaan ee dabeed ay qarxayaan. Waxan Xukuumadda ku boorrinaynaa in ay tallaabooyin degdeg ah ka qaaddo iyada oo la kaashanaysa madaxdhaqameedka iyo xubnaha bulshada ka masala xukuumadda.
  5. E.      Iyada oo aan ognahay in oogista cadaaladu ay tahay mid ka mid ah waajibaadka ugu waaweyn ee saaran Xukuumadda waaritaanka leh, waxan culays ku saaraynaa Xukuumadda in ay caddaaladda hor keento dadkii geystay dilkii dadkii lagu laayey jidka u dhexeeya Kalabaydh iyo Dilla. Haddii Xukuumaddii hore ay ku fashilantahy micnaheedu ma aha in dambiilayaashu ay xorriyad ku daaqaan, maxaa yeelay cadaalad keenistu ciddii doontaaba ha lahaatee waa waajib lama dhaafaan ah. Qabashada la soo qabtaa dadkii dilkaa fooshaxun geystayna waxay wax weyn ka taraysaa baabiinta xumaanta hurgumada leh waxaanay dareensiinaysaa muwaadiniinta in ay nabad ku daaqaan, xuquuqdooduna sugan tahay. Midda kale caddaalad la siiyo dadkii dadkooda la dilay waxay xoojinaysaa daacadnimada dadku u hayaan  Xukuumadda iyo hoggaankeeda.

111. Xukuumadda Itoobiya: 

  1. A.      Anagoo dareemi karna xaqa ay Xukuumadda Itoobiya u leedahay in ay ka werwerto ammaanka dalkeeda iyo sugitaanka nabadgelyada dadkeeda, haddana waxan xusuusinaynaa Xukuumadda Itoobiya in ilaalinta saaxiibnimada  soo jireenka ah iyo jaar wanaagga ay la leedahay Somaliland in ay waajib kaga dhigayso in ay iska ilaaliso in ay ku kacdo tallaabooyin aan laga fiirsan  oo burburin kara xidhiidkha mudada dheer soo jiray soona hoyn kara ammaan darro iyo fadqalalo ka dhacda gobolka.
    1. B.      Waxan Xukuumadda Itoobiya xusuusinaynaa in ay fahmto qiimaha weyn ay leedahay in lagu sii kobciyo kalsoonida labada dhinac wada tashi iyo iskaashi joogta ah oo laga yeesho ammuuraha ammaanka.
    2. C.      Waxan si xoogle ugu boorrinaynaa in ay iska ilaaliso in ay qaaddo tallaabo aan cid lagala tashan oo ay ugu soo dirto ciidankeeda gudaha Somaliland iyada oo aanay oggolaanin oo aan la isla meel dhigin Xukuumadda Somaliland iyo hoggaan dhaqameedka bulshada gudaha.
    3. D.     Waa in Xukuumadda Itoobiya ogaataa in soo gelitaan ciidan ay leedahay soo gala Somaliland iyadoo ku marmarsiiyoonaysa in ay cadaw baadhayso lana tashan Xukuumadda Somaliland ay keeni karto cadho xoogle oo dadku u qaado Itoobiya. Wixii halkaa ka dhashaana uu noqon karo wax aan la mahadin oo waxyeelo u geysan kara nabadda iyo ammaanka gobolka  una ciidmi kara xoogagga xagjirka ah ee ku maqan sidii ay u burburin lahaayeen danta ay labada dal wadaagaan ee ah sidii loo sugi lahaa nabadda loona heli lahaa horumar.

Gebogabadii, waxan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan saddexda geesood ee arrintu khusayso in ay u dhaqmaan si xikmadi ku jirto kuna dheehantahay fiiro dheer iyo samir ay ku loodiyaan ammaanka jilicdasan. In loo wada guntado sugida danta dadka gobolku, waxay muujinaysaa bislaansho siyaasadeed iyo hoggaan karti leh.

Waa maxay Golaha Hoggaanka Tolku:

Golaha Hoggaanka Tolka, oo dhidibada loo joojiyey , bishii Abriil 1-3, 2010 magaalada Minneaplois, Gobolka Minnesota ee Carriga Maraykanka, waxay ujeedadiisu tahay in uu noqdo urur keena hoggaan ay leeyihiin Tolka ku nool Geeska Afrika iyo adduunka oo mideysan, hodan ah, oo nabad kuwada nool, nabadna kula nool dadka ay oodwadaagga leeyihiin iyo deegaankooga dabiiciga, awoodina kara in ay kor u qaadaan ilaaliyaana xuquuqdooda ay wadaagaan ee bulsho, dhaqaale, hantiyeed iyo aadami.

 

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player