Jimco, August 20, 2010 (Idhanka) ? Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Banaadir ayaa maanta ku gubay magaalada Muqdisho raashin ay horay u bixisay barnaamijka cunnada adduunka ee WFP, iyadoo raashinkaas la sheegay inuu dhacay.
“Raashinka aan gubnay oo dhacay wuxuu isugu jiraa Galley, Boorash iyo Qamadi, waxaana kusoo qabannay howlgallo aan ka sameynay degmooyinka gobolka,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo shir jaraa’id qabtay markii raashinka la gubay.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in raashinkan ay soo ururiyeen maalmo kala duwan ayna qaarkood soo qabteen iyagoo lagu wado gaadiid, halka kuwo kalena ay kasoo saareen bakhaaro ay ku keydsanayeen.
“Maanta kaddib qofkii lagu helo raashinka WFP, waxaana loo arkayaa cadow dhib ku haya shacabka, waxaana laga yabaa in lagala wareego gaadiidka, bakhaarka ama wax walba oo uu ku wado, isaguna uu muto dil,” ayuu yiri Sheekh Cali.
Wuxuu sheegay inay siinayaan ganacsatada muddo laba maalmood ah oo raashinka ay hayaan ay ugu wareejiyaan walaayaadka gacanta ku haya deegaannada ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay wixii markaas ka dambeysa ay sharciga la tiigsan doonaan qofkii ay ku qabtaan.
Raashinka la gubay ayaa waxaa dusha sare kaga yaallay calaamadda hay’adda WFP iyadoo lagu soo beegay gubiddiisa kaddib markii 30-bakhaar oo ay raashin ay bixisay WFP ay Xarrakatul Shabaab shalay kula wareegtay magaalada Baladweyne.
Source: HOL
















Posted in 





