Borama(Idhanka) Agaasimaha shabakada Caalamiga ah ee Boramanews gobolada Galbeedka, Jaabir ayaa isaga oo hawlihiisii shaqo wata ayaa shalay , waxa uu la kulmay arin isagii yaab iyo amakaag u keenay.
Wariye jaabir ayaa waxa uu booqasho shaqo ku joogay, xarunta wayn ee ururka dhalinyarada AYODA, isaga oo halkaas ka diyaarinayay Barnaamij halkaas ka socday, ayaa markii uu barnaamijkii dhamaaday, ayaa waxa uu la kulmay, Xayawaan geed ku hoos xidhan, hadaba sheekadu sidii ay u dhacday waxaa inoo soo koobaya, Agaasime Jaabir.
Waad mahadsantahay Wariye ILko.
Waa sida aad kor ku soo xustay, markii ay shaqadii iga dhamaatay ayaa waxaan isku diyaarinayay inaan ka soo baxo xarunta wayn ee Ayoda, ee ay ku leedahay Magaalada Boram, markii aan soo bax is idhi , ayaan waxaan maqlay cod aan horey Umaqal, waan raadceeyay meesha uu codkaasi ka dhawaaqayo.
In yar ka dib waxaa ii suura gashay inaan helo meesha uu codkaasi ka baxayo, markii aan ku dhawaaday, ayaa waxaa si kadis iigu soo booday, xayawaan aan aad ugu mooday inuu shabeel ahaa, laakiin markii danbe waxaan u aqoon saday inuu ahaa, Harimacad.
Harimacadkan ayaa waxa uu ku xidhnaa geed , isaga oo xadhig adagna lagu giijiyay qoortiisa,aniga oo la yaaban ayaa waxaa ii suura gashay inaan u dhawaado, markii aan u dhawaaday ayaa waxa uu bilaabay inuu dagaal igu qaado, dagaal ka bacdi , uma suura galayn inuu weerar toos ah igu soo qaado, maxaa yeelay, waxa uu ku xidhnaa Xadhig .
In yar ka dib ayaa markii aan dhinac aan u qaado waayay, waxaan isku dayay inaan u yeedho, agaasimaha ururka Ayoda, Siyaad, waxa aan waydiiyay bahalkani ma circa ayuu inagaga soo dhacay?
Siyaad ayaa intuu qoslay ayaa waxa uu yidhi maya, ee waa nin ka soo hadhay raxan harimacad ah, oo la tahriibinyay, loona tahriibinayay wadanka yamanta.
Waxaan kaloo sii waydiiyay Dad ayaa la tahriibin jiree ma xayawaankii ayaa iminkana la tahriibinayaa?
Haa waxa uu sheegay in dhawaanahan suuqa xayawaanka duurjoogta ahi uu ka ahaa degmadan ama gobolkan dhamaantii.
Su’aalkale oo aan waydiiyay agaasimaha ayaa ahayd, kani xagee ayuu iniga iniiga yimid?
Waxa uu ku jawaabay ninkan odayga ahi, waxa uu ka soo hadhay raxan tahriibayaal ah, kuwaa oo la tahriibinayay, waxa ay dhanaayeen, afar harimacada.
Hadaba markii ay tahriibiyayaashii ay magaalada Borama keeneen, ayaa waxaa ogaaday ciidanka amaanka, waxaana ay soo qabteen, ragii tahriibinayay, iyo harimacadkii ay tahriibinayeen.
Waxa dhamaantood lagu soo xidhxidhay xabsiga dhexe ee degmada Boram.
Hadaba markii lagu hayay halkaas mudo todobaad ah, ayaa waxaa halkaas gaajo ugu qudh baxay , saddex ka mid ah harimacadkii.
Maalin ayaan markaa si kadis ah u booqanay saldhiga dhexe, dabadeed waxaan la kulanay, ninkan oo meel ku dayacan, sheekadiisana markaas ayaa lanooga dhacay.
Markaa anaga oo urur wadaniya ayaa waxaan ka codsanay in ay anaga mas’’uliyadiisii nagu ogaadaan, maadaama uu yahay xayawaan bahaa’im ah.
Taliska booliskuna waa uu naga aqbalay inaan hayno oo aan xanaanayno inta uu ka korayo.
Waxa kale oo aan agaasimaha waydiinay,marka uu waynaado xagee ayaad iniguna gaynaysaan?
Waxa uu noogu jawaabta Siyaad, waxa aan u qaadi doonaa kaymihii laga soo qabtay dabadeedna halkaas ayaan ku sii dhex daynaynaa.
Su’aal kale oo aan waydiinay Siyaad ayaa , waxa ay ahayd maxaad cunto ahaan siisaan ninkan odayga ah?
Waxa uu noogu jawaabay, waxaan maalin walba uga soo qaadnaa sariimada hilibka, Beer iyo kaliyo, waxa uuna sheegay maalintii aan xabsiga ka soo kaxaynay iyo maanta in uu faraq wayni u dhexeeyo, maalintaas hore naf ayaa haysay, maantana waa ninkaas aad arkayso quruxdiisa iyo dagaalka uu ku jiro.
Su’aal kale oo aan waydiiyay Siyaad ayay ahayd, xadhiga ninkan odayga ahi ku xidhan yahay, waa khafiif markaa hadii uu goosto oo uu baxsado bal ka waran, khasaare ma gaysan karaa?
Waxa uu noogu jawaabay siyaad, xadhiga ku xidhani waa run oo waa jilicsan yahay, laakin waxaan is leenahay wax dhib buuran ma gaysan karo, maadaama uu wali yaryahay.
Runtii waxa ay ahayd maalin aniga iila yaab badnayd, waxaanan la yaaabay Xayawaan la tahriibinayay waxa ay igu noqotay yaab iyo amakaag.
Waxaana la odhan karaa tani waxa ay ka mid tahay, waqtigan is badalku ka dhacay,la yaabna maaha in arimo noocanoo kale ah la arko.
Source: BNN


















Posted in 





