-Maxaa ka jiray inay la xidhiidho aaminaada dhinaca fariiqooyinka ee Culimada?
“Culimada waawayn ee reer Hargeysa waan u sheegay oo waxaan ku idhi…” Wasiirka Diinta iyo Awqaafta…WARAYSI GAAR AH
Hargeysa (Idhanka)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka hadlay sababta uu u joojiyay wacdi diini ah oo ka bixi jiray idaacadda dawladda ee Raadyow Hargeysa.
Siday saxaafadda qaarkood shalay faafiyeen, wasiirka Diinta oo qoraal ku socodsiiyay wasaarada Warfaafinta, waxa uu joojiyay barnaamijka Neecawda Ramadaanta oo uu idaacadda ka jeedin jiray Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore.
Hase yeeshee, wasiirka Diinta iyo Awqaafka Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo uu xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay sababta uu barnaamijkaas diiniga ah u joojiyay, waxa uu sheegay in barnaamijkaasi yahay mid gaboobay oo muddo dheer duubnaa, isla markaana uu ku bedelay mid cusub oo ay Culimo kale akhriyi doonto. “Shaqo xafiis uun bay ahayd, dadkuna waxay kala saari garan la’yihiin shaqo xafiis iyo siyaasaddii, waxanina waa diin oo waxa kale oo dhan la mid maaha,” ayuu yidhi wasiirku. “Culimada waawayn ee reer Hargeysa waan u sheegay oo waxaan ku idhi ‘waa barnaamij yar gaboobay, sidii aan warqadaba ku qoray ee aad ugu diray wasaaradda Warfaafinta. Markaa waxaan u sheegay in Culimada sida Sheekh Ismaaciil-Dheeg, Sheekh Maxamed Aadan, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, Cabdiraxmaan Axmed iyo raggaa Culimada ah ee barnaamijyada hore u jeedin jiray inay iyagu barnaamijka Ramadaanta ka hadlaya oo Ramadaan Kariim loo bixiyay oo waaqaca imika taabanaya (akhriyaan), ilayn noloshu waa wax is bedbedalaysee, in lagu bedelo uun baan ka codsaday qoladan (Warfaafinta). Ninka barnaamijka akhriyi jirayna (Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore) waa nin shaqaalaha wasaaraddana (Diinta) ah, shaqona aan laga qaadin, shaqana lagama joojine barnaamijkaas oo muddo hore oo toban sanno iyo wax ka badan duubnaa uun baan idhi wuu yara gaboobay,” ayuu raaciyay.
Wasiirku waxa uu beeniyay in talaabada uu qaaday salka ku hayso kala duwanaanshaha aaminaada Culimada ee dhinaca fariiqooyinka diinta Islaamka. “Waxba kama jiraan taas, waxba kuma salaysna. Walaahi baanay wax fariiqo ah ku salaysnayn, aniguna meesha waxaan u imid inaan habeeyo oo aan hagaajiyo, dadkana ku wada walaaleeyo, laakiin haddii qofka la yidhaahdo ‘waxaas aan hagaajino’ uu xumaan u arko ama dadka qaar xumaan ka soosaaraan, dee ayaan-darro ayay nagu noqonaysaa,” ayuu yidhi wasiirka oo su’aal laga waydiiyay arrintaas.
Wasiirka Diintu waxa uu sheegay inay haatan hawlgaleen Culimo kale oo uu ku bedelay Sheekh Xoore, kuwaasoo hadda laga bilaabo akhriyi doonta barnaamijkaa cusub oo uu sheegay in loo bixiyay ‘Ramadaan Kariim,’ isla markaana ay ka mid yihiin Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurreh (Dheeg), Sheekh Maxamed Macalin Cabdi (Carab) iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle. “Haa, way hawlgaleen, maantaba (shalay) Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg) baa galay barnaamijka,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil.
Waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin waxyaabo kale oo loo sibir-saaray joojinta barnaamijkaa Neecawda Ramadaanta.”Wax fariiqo ah iyo wax khilaaf ahi toona kuma jiro, waxaasna looma jeedin, dadka wax ka soosaarayana Illaahay uun baan u bandhigaynaa, laakiin anagu wax xumaan ah ugama jeedno,” ayuu raaciyay.
Source: BNN
















Posted in 





