Borama(Idhanka) Shalay ayaa wasiirka Cusub ee wasaarada Beeraha Jamhuuriyada Somaliland, Prof:Faarax Cilmi Muxumad(GEEDOOLE), u ambabaxay deegaanada, Magaalo Cad ,oo ka tirsan Gobolka Awdal, iyo Godka Carada oo ka tirsan Deegaanka togwajaale ee Gobolka Gabilay.
Waftigan ayaa waxaa ku wehilnayay Socdaalkiisa, Hay’adaha UNOCHA Iyo ururka wadaniga ah ee canle light.
wasiirka iyo hay’adahan caalamiga ah ee la socday ayaa waxa ay u qaybiyeen, 150 Qoys, oo ka tirsan , Degmooyinka , Magaalo cad, iyo godka carada, qalabka gacanta ee beeraha, Mashruucan oo ay maal galisay , isla markaasi, Hay’ada UNOCHA.
waxaana si wada jira u fulinayay Hay’adaha Candle light iyo wasaarda Beeraha,waxaana mashruucan loogu tala galay inay ka faa’idaystaan,8000 oo qoys , degmooyinka Alaybaday,gabilay, iyo farawayne,kuwaas oo ay beerahooda ka soo gaadhay dhibaato, roobabkii karanta ahaa, ee sida isdaba jooga ahaa u da’ayay.
Madaxa mashruucan C/qani Saleebaan, ayaa ka waramay muhiimada , mashruucan uu u leeyahay Dadka beeralayda iyo sida ay duruuriga u tahay in looga faa’iidaysto ka midha dhalinta mashruucan in dadka beeralayda ahi isku tashadaan.
Dhinaca kale waxaa iyadna ka hadashay, Marwo:Shugri Xaaji Ismaaciil,oo ah madaxa hay’ada canle light ayaa sheegtay muhiimada ay inoo leeyihiin beeruhu, iyo sida loogu talagalay in loogu dhiiri galiyo dadkeena,ina ay isku hawlaan waxsoosaarka beeraha.
Source: BNN

















Posted in 





