Jimco, August 20, 2010 (Idhanka) – Wakiilka gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa uga warramay BBC-da laanteeda Afka Sawaaxiliga sida uu u arko xaaladda dalka Soomaaliya ka taagan xilligan.
“Dhab ahaantii shirkii Jabuuti ee lagu soo dhisay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa saldhig u ahaa dib u heshiisiin, dowladduna way waddaa arrintaas, waxayna ku guuleysatay inay hannaanka nabadeedd kusoo biiriso Ahlusunna, dhinacyada kalena waxay wadaa qaababkii ay kula hadli lahayd,” ayuu yiri Augustine oo sharraxaad ka bixinayay dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Ergaygu wuxuu sheegay in Qarammada Midoobay ay ku dhiirrigelinayso DKMG ah inay wadahadallo la furo kooxaha dagaalka kula jira, isagoo sheegay in Xarrakatul Shababa aysan ahayn koox doonaysa nabad oo ay taas ka door-bideen dagaal.
“Ma filayo in Xarrakatul Shabaab oo inta badan dalka Soomaaliya gacanta ku haysa ay diyaar u tahay inay la heshiiso dowladd Soomaaliya, jidka keliya ee lagu xasilin karo Soomaaliya waa wadahadal,” ayuu hadalkiisa dabo-dhigay danjire Mahiga.
Su’aal ahayd sida la isugu halleyn karo dowlad aan iyaduna awood badan lahayn, oo dalka intiisa badan laga haysto, ayaa wuxuu danjire Mahiga kaga jawaabay: “waxaa loo baahan yahay in wadahadallada nabadeed ay barbar socdaan qaab ammaanka lagu ilaalinayo, taasina waa mid gaabis ah, waana sababta oo raadinayo in DKMG ah ay hesho awood ay isku difaacdo.”
Mar sidoo kale la weydiiyay sababta ay u howlgeli la’yihiin ciidammadii dowladda KMG ah loosoo tababaray ayaa wuxuu ergaygu sheegay inay tahay mushaar la’aan iyo qalab la’aan haysata.
“Ciidammada dowladda diyaar ayay u yihiin inay howlgalaan, balse waxaysan haysan mushaaraad iyo qalab ay ku howlgalaan, mana jiro wasaarad dowladeed oo u taagan furlinta qodobadan, waayo dowladu awood uma lahan inay canshuuraha soo urursato si ay ugu taageerto ciidamadeeda,.” ayuu wakiilku mar kale yiri.
Ugu dambeyn isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd qaabka ay dalalka IGAD ay gacan u siiyaan dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay inay jiraan aragtiyo kala duwan oo ay dalalka qaarkood kala qabaan, balse la isku waafaqsan yahay in la taageero Soomaaliya.
Source: HOL
















Posted in 





