Ururka Xisbul Islama oo Muqdisho kusoo bandhigay askari ay ku qabteen dagaal ay la galeen dowladda KMG ah

 Talaado, August 17, 2010 (Idhanka) ? Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta soo bandhigay askari ay sheegeen inay shalay ku qabteen dagaal ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo loo ogolaaday inuu saxaafadda la hadlo.

  ”Shirka jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay soo bandhigidda askari aan maxbuus ahaan uga qabay ciidamada dowladda dagaalkii shalay iyo saldhigyo aan kala wareegnay,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cismaan Caruus oo ah afhayeenka dhinaca howlgallada ee Xisbul Islaam oo maanta shir jaraa’id ku qabtay agagaarka tarabuunka.Askariga lasoo bandhigay ayuu sheegay inay cafiyeen, kaddib markii uu towbad keenay waa sida uu hadalka u yiriye, waxaana askariga oo loosoo bandhigay saxaafadda ka muuqday dhaawac fudud oo kasoo gaaray dagaalkii shalay.

“Waxaa la igu soo qabtay dagaalkii shalay dhacay, waxaana markaas aan qabay dhaawac fudud oo i gaaray,” ayuu yiri askariga loosoo bandhigay saxaafadda, waxaana mas’uuliyiinta ururka Xisbul Islaam ay sheegeen inay cafiyeen.

Afhayeenka dhinaca howlgallada ee ururka Xisbul Islaam ayaa soo tusay warfidiyeenkii maanta uu shirka jaraa’id u qabtay goobo uu sheegay inay horay gacanta ugu hayeen ciidammada dowladda Soomaaliya, iyadoo Caruus uu sheegay inay sii wadayaan dagaallada.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna guulo ka sheegatay dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho, waxaana saraakiil u hadlay ay sheegeen inay jabiyeen ciidammadii weerarka kusoo qaaday.

Source: HOL

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes