Sucuudiga oo Iskudayaya inuu ka hortago Soo Galaytiga Sharci Darada ah

Dowladda wadanka Sacuudi Carabiya ayaa si weyn u adkeysay xuduuda ay la wadaagto dalka ay deriska yihiin ee Yeman, waxaana ciidamada Sacuudigu ay xuduudaasi ku wareejiyeen Silig, iyagoona sidoo kalena adeegsanaya eeyo u tababaran inay dadka tahriibayaasha ah ee iyagu doonaya inay ka tallaabaan xadka sheegaya.

Arrintaas ayaa sababtay in Boqolaal tahriibayaal Soomaaliyeed ah muddo saddex bilood ah ay ku xaniban yihiin xadka labada wadan, kuwaasi oo iyagu doonayay inay ka gudbaan xuduuda isla markaasina doonayay inay galaan wadanka Sacuudiga, iyadoo ay jiraan tahriibayaal Soomaaliyeed oo aan tiradooda rasmiga ah la ogeyn inay ku geeriyoodeen xuduuda u dhaxeysa Yeman iyo Sacuudiga.

Mid ka mid ah tahriibayaasha Soomaaliyeed oo ka tegay dalka Yeman isla markaana doonayay inuu ka gudbo xadka Sacuudiga ayaa sheegay inuu isagu dib ugu laabanayo Yeman, kaddib markii sida uu sheegay ay dhibaato ka soo wajahday arrintaasina, isagoo ka warbixiyay xaaladda adag ee soo food saartay tahriibayaasha Soomaaliyeed oo uu sheegay in haweeney wadatay canug yar uu mas ku cunay keymaha xuduuda Sacuudiga halkaasina ay ku geeriyootay.

“Gabadhaasi way geeriyootay, ma jirto cid taqaanna waxaana aasnay meydkeena xanugii ay dhashay oo ay wadatayna waxaa Yeman u soo qaaday dadkii la socday” ayuu yiri Axmed Rooble oo isagu ka niyad jabay hamigiisii ahaa inuu galo wadanka Sacuudiga, hase yeeshee Dowladda Yeman ayaa iyana dhinaceeda sheegtay in haddii ay dalkeeda dib ugu soo laabtaan tahriibayaasha Soomaalida ah inay u dhoofineyso wadankooda.

 

Source: BNN

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes