Saraakiisha ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan oo dalbaday ciidamo kale oo dheeraad ah

 Khamiis, August 19, 2010 (Idhanka) ? Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dalbaday in ciidammo dheeraad ah, si ay wax uga qabtaan xaaladda uu dalka ku jiro.

“Ciidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho waxba kama qaban karaan xaaladda dalka Soomaaliya, balse sannado ka hor wax way ka qaban kareen, waa loo baahan yahay in laga dhigo tiradooda 40,000-askari si ay wax u qabtaan,” ayuu yiri Gen. Nathan Mugisha oo ka mid ah saraakiisha ciidamada AMISOM oo saxaafadda kula hadlay caasimadda Uganda ee Kampala.

Sarkaalkan wuxuu sheegay in Xarrakatul Shabaab ay kobcisay awooddeeda ciidan, sidaa daraadeedna aysan xiligan waxba kama qaban karan 8,000-askari xaaladda dalka Soomaaliya.

Gen. Mugisha ayaa sheegay in AMISOM ay u qorsheysan tahay inay la wareegaan inta badan magaalada Muqdisho oo ay ka taliyaan xoogagga hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Lugta ee dalka Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa booqasho ku tagay Muqdisho todobaadkan, isagoo la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM, kalana hadlay xaaladaha ammaan ee Muqdisho.

Sarkaalkan ka tisan ciidamada AMISOM ayaa hadalkiisan kusoo beegmay xilli Ururka Midowga Afrika uu qorsheynayo inuu tirada ciidamada AMISOM ka dhigo 8,000 oo askari si wax looga qabto xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahiidiin oo gacanta ku haysa gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo inta badan magaalada Muqdisho ayaa horay u ballanqaadday inay dagaal kala hortagayso ciidan walba oo la keeno Soomaaliya.

Source: HOL

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes