Qiimaha lagu iibsado raashinka oo sare uga kacay suuqyada magaalada Muqdisho bishan Ramadaan

 Talaado, August 17, 2010 (Idhanka) ? Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in qiimaha raashinka lagu kala iibsado suuqyada magaalada Muqdisho ay sare u kaceen 50% inta tan iyo markii ay bilaatay bishan Ramadaan ee barakeysan.

“Tiro badan oo ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa isaga cararay Muqdisho, kaddib markii ay xoogagga hubeysan ku dhawaaqeen inay xoojin doonaan dagaallada ay kula jiraan dowladda KMG ah iyo AMISOM, taasina waxay keentay in ganacsatada hartay ay sare u qaadaan qiimaha raashinka,” ayuu mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Kawaanle lagu magacaabo Maxamuud Aadan ayaa u sheegay Isniintii AP, in qiimaha hilibka uu sare u kacay 50%, markii ay bilatay bisha Ramadaan, isagoo sheegay in qiimaha xoolaha ay kusoo iibsadaan uu sare u kacay.

“Ganacsatada xoolaha waxay sare u qaadeen qiimaha ay ku iibsanayaan Lo’da iyo Geela, qiimo kororka aan innagu sameynayna wuxuu saameyn ku yeeshay kayantiga naga iibsan jiray hilibka, waayo waa mid aan ku khasbannahay,” ayuu yiri Maxamuud Aadan.

Bisha Ramadaan ayaa waxaa kordha iibsiga raashinka, maadaama ay tahay bil ay Muslimiintu soomayaan 30-keeda maalmood, ayna kordhinayaan cibaadaadka si ay uga faa’iideystaan dambi dhaaf Alle iyo ajar fara badan.

Dhanka kale, marka la gaaro bishan bartamaheeda ayaa waxaa sare u kac la mid ah midka raashinka uu ku yimaadaan dharka ciidaha, maadaama ay bishan ku xigto maalin ciid ah oo si weyn looga xuso dunida Islaamka.

Source: HOL

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes