Maxkamaddii sare ee ciidamada DKMG ah oo lagu badalay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada

 Khamiis, August 19, 2010 (Idhanka) ? Wareegto kasoo baxday madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagu baabi’iyay maxkamaddii sare ee ciidamada, waxaana la dhisay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada sida uu saxaafadda u sheegay xeer ilaaliyaha ciidamada DKMG ah G/sare Muuse Maxamed Axmed.

Sarkaalkan oo wareysi siiyay idaacadaha Muqdisho qaakrood ayaa sheegay inay soo gaartay wareegtada, ayna ka war-sugayaan wasaaradda caddaaladda oo uu sheegay inay arrintan khuseyso.

“Wareegtada isbadalkan lagu sameeyay way nasoo gaartay, waxaana sidoo kale ku xusay magacyada garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee maxkamaddan oo badali doonta maxkamaddii sare,” ayuu ku sheegay G/sare Muuse wareysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda Hornafrik.

Xeer ilaaliyaha ciidammadu, wuxuu beeniyay inuu jiro khilaaf soo dhexgalay wasaaradda Cadaaladda iyo maxkamaddii ciidamadii sare ee qalabka sida, kuwaasoo xilliyadii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay.

G/sare Muuse Maxamed, wuxuu sheegay in maxkamadda sare ee ciidamada ay ka gaabisay inay howlaheeda si cadaalad ah u gutado, uuna filayo in taas ay keentay in isbdal lagu sameeyo.

Maxkamada sar ee ciidamada oo la aasaasay sannadkii hore ayaa la sheegay in la horkeeni doono ciidamada dhibaatooyinka u geysta dadka shacabka, iyadoo fulisay dhowr xukun oo isugu jira dil iyo xabsi, kuwaasoo ay ku ridday ciidamo dhibaatooyin u geystay shacabka.

Source: HOL

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes