Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Hiiraan oo la wareegay bakhaaro lagu kaydiyay raashin

 Khamiis, August 19, 2010 (Idhanka) ? Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Hiiraan ayaa maanta la wareegay bakhaaro ay ku jireen raashin la sheegay inay ka muuqdeen astaamaha hay’adda WFP oo Xarrakadu ay horay uga joojisay inay ka shaqeyso deegaannada ay ka taliyaan.

“Bakhaarada ay raashinka ku jireen ee lala wareegay oo ku kala yaala Bariga iyo Koonfurta magaalada Baladweyne waxay gaarayaan 30, waxaana haatan gacanta ku haya ciidamada maamulka,” ayuu yiri ruux magaaciisa u qariyay xaalado ammaan awgood oo ku sugan Baladweyne.

Ganacsade ka mid ah kuwii lahaa raashinka lala wareegay ayaa isaguna sheegay in raashinku uu ka koobnaa galley, saliid iyo boorash, ayna la yaabeen in lagala wareego, wuxuuna sheegay ganacsadahan oo aan sheegin magaciisa in la bilaabay in raashinka loo qaybiyo dadka, uuna geliyay lacag gaaraysa 15,000-Dollar.

“Ma garan karno sababta keentay in raashinkeena lala wareegto, raashinku wuxuu ahaa mid ganacsi, oo aan hanti badan gelinay,” ayuu yiri ganacsade kale oo isaguna ka mid ahaa kuwii raashinkooda ganacsi lala wareegay.

Goobjoogayaal ku sugan Baladweyne ayaa iyaguna sheegay inay arrintaan layaab ku noqotay, iyadoo saraakiisha Xarrakatul Shabaab ee gobolkaas aysan weli ka hadlin sababta keentay inay la wareegaan bakhaaradaas iyo raashinkii ku jiray.

Hay’adda WFP oo horay uu khilaaf u soo dhexgalay iyaga iyo Xarrakatul Shabaab ayaa laga joojiyay inay ka shaqeyso deegaannada ay ka taliyaan, waxaana ay ka mid noqoday hay’adaha Qarammada Midoobay ee ay mamnuucday Xarrakada.

Source: HOL

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes