Maamulka Jamacada Burco oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamacada Eelo American University.

Borama(Idhanka)  Sid aan la wada socono  jaamacada Eelo American ,waxa ay ka mid tahay jaamacadaha ugu waawayn Dalka somaliland , gaar ahaan Gobolada Awdal/Salal.

Jaamacadan ayaa waxa ka dhigta arday kor udhaafaysa, kumaan kun, waxaana ay iskugu jiraan,qaybaha kala duwan ee waxbarashada jaamacadaha, waxa  sido kale ay ka mid tahay, jaamacadii ugu horeysay dalka ee hirgalisay,qaybta Farsamada Dhismaha, ee afka calad lagu yidhaahdo(CivilEngeneering), iyo sido kale Cilmiga Kombuter Sayniska.

Hadaba kulan aad u qiimo aad u muhiim ahaa, ayaa xalay waxa jaamacada Eelo ay layeelatay, dhigooda jaamacada Burco, Profesoro ka socday, kulankiina waxa uu udhacay sidan.

 Gudoomiyaha Jaamacada Eelo American University Dr.Mahamoud Hussein Egeh iyo hormoodyada kuliyadaha jaamacada ayaa xalay kulan la yeeshay maamulka

 iyo hawlwadeenada jaamacada Burco oo booqasho rasmi ah ku jooga magalada Borama.

kulankii-maamulada-jaamacadaha-eelo-iyo-burco-1.JPG

Kulankan oo xalay ka dhacay xarunta jaamacada Eelo ayaa waxaa laga wada hadlay xidhiidhka labada jaamacadood adkayntiisa iyo iswaydaarsiga khibradaha dhinacyada maamulka, imtaxaanaadka, adeegyada Ardayda, deeqaha waxbarasho iyo buugta helistooda.

kulankii-maamulada-jaamacadaha-eelo-iyo-burco-2.JPG

Maamulka jaamacada Burco oo uu horkacayo Dr. A.rahman Jaamac Du’ale oo dhawaan la wareegay maamulka jaamacada Burco ayaa u socday xog ururin isagoo ku tilmaamay reer Awdal inay yihiin hormoodka aqoonta ee dalka isla markaana ay tahay in laga faa’iidaysto khibradahooda.

kulankii-maamulada-jaamacadaha-eelo-iyo-burco-3.JPG

Dr. A.rahman wuxuu u mahad celiyay madaxa, hormoodyada kuliyadaha iyo shaqalaha Jaamacada Eelo American sida fiican ee ay ugu xog warameen isagoo tilmaamay in ay ku soo dhawaynayaan mamulka jaamacada Eelo jaamacadda Burco. Kadib waxay soo arkeen qaybaha kala duwan ee xarunta jaamacada.

kulankii-maamulada-jaamacadaha-eelo-iyo-burco-4.JPG
kulankii-maamulada-jaamacadaha-eelo-iyo-burco-5.JPG
kulankii-maamulada-jaamacadaha-eelo-iyo-burco-6.JPG
kulankii-maamulada-jaamacadaha-eelo-iyo-burco-7.JPG
kulankii-maamulada-jaamacadaha-eelo-iyo-burco.JPG

Source: BNN

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes