Iran oo Dhisaysa 20 Warshadeed oo Nukliyeerka ah oo Cusub

Xukuumada dalka Iran ayaa isku diyaarinaysa inay Bilawga Bisha dambe furto Warshadii ugu horeysay ee Quwada Nukliyeerka ee dalka Iran yeesho balse Golaha Sharci dajinta dalka Iran ayaa sheegaya inuu dalku u baahan yahay warshado dheeraad ah.

” waxaan u maleenayaa inaan u baahanahay inaan sameeno warsahdo Nukliyeer oo dheeraad ah, sidaa darteed Barlamaanku waxay ansixiyeen in la sameeyo 20 Warshadood oo quwada Nukliyeerka ah xukuumaduna waxay diyaar u tahay inay dhisto” ayuu yidhi Hussein Ebrahimi oo ah Ku xigeenka Guddi Hosaadka Amaanka Qaranka iyo Siyaasadda Dibada ee Golaha Sare ee dalka Iran.

Iran ayaa bisha soo socota bilawgayda furaysa Warshadii ugu horeysay ee Nukliyeer oo ay ka caawisay xukuumada Ruushku taas oo ku taas oo lagu magaaabo Bushehr.

Warshada Bushehr waxa markii hore dhismaheeda bilaabay reer Galbeedka sanadihii 1970-kii balse waxay joojiyeen markii 1979 uu dalka Iran ka bilaabmay Kacaankii Islaamiga ahaa taas oo keentay inay Reer Galbeedku dib uga baxaan Qorshaha dhismaha Xarunta Nukliyeerka kadib markii Maraykanku cadaadis xoogan saaray.

Source: BNN

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes