Icitiraafka Caalamka laga Raadinaayo Miyaanay Caddaaladi Ka Horrayn

Waxa mahad iska leh ilaaha awoodda leh. Intaa ka dib dawladdii cusbayd ee somaliland wataa maamulkii la wareegtay,wakhtigii doorashada iyo fadeexadduna wuu dhamaaday.

Waxa la galay wakhtigii dadka la midayn lahaa, dalkana hore u markiisa loogu dadaali lahaa,arrintaana waxa samayni kara xisbiga talada waddanka la wareegay gaarahaan  madaxweyne ahmed mohamed mohamoud (siiraanyo) kuna dadaalo sidii uu uga gudbi lahaa meesha waxba uguma annaan iman iyo dawladdii hore ayaa dayn lagu lahaa iyo tanaa jirta, wassiiradiisuna ay sidoo kale ku dadaalaan, sababtoo ah Dekeddii berbara waa halkeedii caawimooyinkii adduunkuna waaba sidoodii iyo si ka sii rajo fiican,meelaha ay waddanka wax ka soo galaan meelahaa ayaa ugu horreeya marka dawlad dhan walba ka dhisan ayaad la wareegtaye hoggaanka si fiican u hay, waxa kale oo aad ogaataa cabashooyinka meelo dalka ka mid ah laga muujiyay in aanay ahayn wax la dhayalsan karo, waxaa dibadda dumarka iyo caruurta u soo saarayna ay tahay durba caddaalad darro lagaa dhan-dhamiyay adiga madaxweyne ahaan. taasina aanay ahayn middii aad citiraaf dalkan ugu dooni lahaydeen adiga iyo dawladdaada tayada fiicani, waxa kale oo aad ogaataan adiga iyo xisbigaaga kulmiyeba in adduunku dhegaha iyo indhahaba ku hayo dareenka dadwaynaha somaliland meel kastaba ha joogaane from lawyo caddo illaa sool meesha ugu shishaysa, citiraafkuna maaha uun midka ay doonayaan siyaasiyiinta oo kali ahi, waxa ka mudan midka dadwaynu ay doonayaan.  shacbigana lama cabudhin karo wixii ay xaq-u leeyihiin way sheegan karaan.

shacbigana waxa laga rabaa inay wixii dhibaato u keenaya ay ka fogaadaan, oo aanay ka hoos bixin  odayaasha iyo culimada magaalada, 
odayaasha iyo cidii umadda taladoodu ka go,daana  dadka xaqooda ha u raadiyaan,  ninkii xaqqa ummadiisa aan raadin karin ama aan ku dhawaaqi karinna xilka ha iskaga dhiibo cid kale,

Qorayaasha websiteskana waxan ka codsanayaa inay inay wixii ummadda  aan faa,iido u lahayn aanay soo qorin,weliba websiteska waar ka mid ahi dhibaatooyinka in badan ayay mas,uul ka yihiin,    allahayoow sidii roon.

From Abdirahman Barre

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player