Axad, August 22, 2010 (Idhanka) ? Dowladda Koonfur Afrika ayaa ka cudurdaaratay inay ciidamo u dirto dalka Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan ciidanka Midowga Afrika ka socda ee nabad ilaalin ahaanta u jooga Soomaaliya.
Wakaaladda wararka ee IRIN ayaa sheegtay in kulan golaha wasiirada ee Koonfur Afrika ka yeelan lahaayeen inay ciidamo u diraan Soomaaliya oo dhici lahaa Arbacadii lasoo dhaafay ay dib u dhigeen mudaaharaadyo ka dhacay dalkaas.
Ururka Midowga Afrika ayaa bishii July shir uu ku yeeshay dalka Uganda kaga dalbay dalal ay ku jirto Koonfur Afrika inay ciidamo ku daraan kuwa AMISOM ee Muqdisho ku sugan si ay uga hortagaan weerarrada ka imaanaya kooxaha hubeysan ee ka horjeeda dowladda Soomaaliya.
“Dhibaatada Soomaaliya ma ahan mid lagu xallin karo ciidan badan oo la geeyo, waa mid siyaasadeed waxaa loo baahan yahay in xal kale la raadiyo,” ayuu yiri wasiirka xiriirka caalamiga ah ee dalka Koonfur Afrika Mait Nkoana-Mashabane oo ka hadlay dalkiisa.
Dhinaca kale, machadka baadhitaanka arrimaha nabadgelyada iyo deganaanshaha ee ku yaalla magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inaysan jirin istraatijiyadii siyaasadeed ee lagu xallin karo khilaafaadka Soomaaliya, isla markaana aanay xal noqon karin ciidamo dheeraad ah oo la geeyo Muqdisho.
Machadkan, wuxuu sheegay in xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya ay la mid yihiin kuwa ka taagan dalka Afgaanistaan, iyagoo sheegay in ciidan kasta oo la geeyo aysan waxba ka qaban karin.
Dalka Koonfur Afrika oo la tacaalaya mowjado mudaaharaadyo ah oo ay dhigayaan shaqaalaha dalkaas oo dalbanaya in mushaarka loo kordhiyo, ayaa horay u ballan-qaaday inay ciidamo u dirayso Soomaaliya.
Waddamada Angola, Nayjeeriya, Gaana, Jabuuti iyo Gini ayaa iyaguna ballanqaad ah inay ciidamo u dirayaan Soomaaliya sameeyay intii uu socday shirkii Midowga Afrika ee Uganda, balse dalalka Jabuuti iyo Gini ayaa sheegay inay ciidamo ku biirinayaan AMISOM.
Source: HOL
















Posted in 





