Axad, August 22, 2010 (Idhanka) ? Markab sitay calanka dalka Soomaaliya oo u rarnaa ganacsato Soomaali ah ayaa ku dagay xeebaha dalka Yemen, gaar ahaan agagaarka Jasiiradda Soqotra Khamiistii lasoo dhaafay.
“Dhammaan shaqaalihii la socday markabka oo u kala dhashay Somalia, Hindiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah waa la badbaadiyay, balse hantidii saarnayd oo gaaraysay 5000-tone waxba lagama badbaadin,” ayuu VOA-da u sheegay Bashiir Khaliif Muuse oo ka mid ah Milkiilayaasha Shirkadda uu u rarnaa oo lagu magcaabo Al-caqiid Trading Company.
Source: HOLSource: HOL
Muuse, wuxuu sheegay in marka ay dajiyeen duufaanno xoog badan oo ku kacay, shixnadda saaran inteeda badanna ay lahayd shirkadda Al-caqiid, isagoo xusay in ganacsato kale oo Soomaali ah ay wax ku lahaayeen ganacsiga.
“Waxaa markabka lagu magacaabi jiray Al-caqiid Express, wuxuuna ka mid ahaa tiro maraakiib ah oo ka ambabaxay Dubai, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho, shaqaalihiisiinna waxay ku sugan yihiin dalka Cumaan,” ayuu mar kale yiri Bashiir.
Su’aal ku saabsanayd inuu ku jiro markabka caymis ayuu kaga jawaabay Maya, isagoo sheegay in maraakiibta aada Soomaaliya aysan ku jirin wax caymis ah, wixii badda ku lumana aan la isku qabsan oo loo arko sida naf go’day oo kale.
Bishii lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale uu ugu dagay badweynta Hindiya markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo kusii jeeday magaalada Muqdisho, iyadoo quusidda markabkan uu yimid xilli ay dabeylo xooggan ka dhacayaan badweynta Hindiya.
Source: HOL
Source: HOLSource: HOL
Source: HOLSource: HOL
Source: HOL
Source: HOL
Source: HOL
















Posted in 





