Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Muqdisho oo sheegay inaysan waxba ka qaban karin Soomaaliya oo dhan

 Jimco, August 20, 2010 (Idhanka) ? Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan Maj. Behuko Barighye oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda aysan waxba ka qaban karin guud ahaan Soomaaliya, balse ay awood u leeyihiin inay xasiliyaan caasimadda.

“Marka hore waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo dagaallada, waayo ma ahan kuwo faa’iido keenaya, waana la xushmeeyo Ramadaanka, markaan u soo laabto AMISOM waxaa markii horeba loogu talogalay inay wax ka qabato Muqdisho,” ayuu yiri Maj. Behuko.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay n ciidamadooda ay iska difaaci doonaan weerar walba oo lagu soo qaado ayna diyaar u yihiin, isagoo sheegay in kooxaha dowladda kasoo horjeeda ay ogaadaan in qofka dhimanaya uusan ahayn AMISOM iyo madaxda dowladda balse ay yihiin shacabka.

“Waxaan ka bixin doonnaa jawaab culus weerar walba oo nalagu soo qaado, balse waxaan ka digaynaa in lagu dul dagaalamo dadka shacabka ah ee Sooman, kuwaas oo aan qaarkood heli karin wax ay ku afuraan,” ayuu mar kale yiri Maj. Behuko.

Mar uu ka hadlay ciidamada dheeraadka ah ee la dalabaday ayuu sheegay in loogu talogalay inay wax ka qabtaan xaaladda dalka Soomaaliya oo dhan oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland, balse Muqdisho waxaa ku filan ciidanka AMISOM oo laga dhigi doono 8,000 oo askari.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay jiraan dad shisheeye ah oo Soomaaliya soo galaya, kuwaasoo uu sheegay inay ka kala imaanayaan dalalka Afgaanistaan, Ciraaq, Bakistaan, Yemen iyo dalal kale ayna la safan yihiin Xarrakatul Shabaab.

Source: HOL

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes