Xuska Maalintii Shuhadadii Lagu Laayay Dariiqa Oo Maanta Lagu Qabtay Borama

 

Xuskan oo ay soo Qabanqaabiyeen Dhalinta Gobolka Awdal ,ayaa waxaa saaka lagu qabtay hoolka wayne ee New Harowo Retourent ,munaasibadan waxaa ka soo qayb galay qaar kamida caruurtii ay dhaleen shuhadadu iyo waliba qaar kamida qaraabadii ,waxana ay hayd maanta maalintii lagu laayay shuhadadii Safarka ahaa dariiqa u dhaxeeya Dila iyo Kala-baydh waxana hada laga jooga mudo hal sano ah .
 
Waxaana isagu munaasibadani xuska ah daadihinaayay Axmed C/samed ugu horayntiina waxa uu ka codsaday in Shuhadadaa loo faataxeeyo mudo 1 daqiiqo ah ,waxana uu hadalkiisii ku bilaabay maanta oo ay bisho tahay 11 july 2010 waxaan halkan u fadhinaa inaan xusno maalin murugo leh oo ku dhacday dhamaan dadwaynaha Gobobka Awdal ,oo ku beegan maalintii la gawracay ee sida arxandarada ah loo dilay ,afartii mujaahid ee ku dhintay wadada u dhaxaysa Boorama iyo Hargaysa , Afartaa mujaahid Xuskoodii ayaan maanta halkan u fadhinaa , ujeedada maanta halkan aan u fadhinaa waxa weeyi :
1- Inaan xusno dhimashada mujaahidiintaas ,
2- Inaan baaq fariina u dirno dhmaanba cida aan gadaal ka sheegi doono oo ah cidii dhibta gaysatay iyo dawlada wadanaka
Waxaa kale oo aan doonaynaa inaan halkan ka xusno in dhamanba dhalinyarta halkan fadhidaa ay matalayso dhamaan dhalinyarada Gobolka Awdal halkana ay ku muujin doonaanshucuurtooda ku sahabsan maalintan murugada leh ,intana waxa ay u wakiisheen in ay iyaga matalaanwaayo meesha ayaana qaadaynin,waxan m aanta halkan ugu talo galnay inaan u dirno farin aad u adag , oon mudo halsano ah aan sugaynay ,wax jawaaba oo ka timaada ama cidii dhibta gaysatay ha noqoto amaba dawlada ha ahaatee
taaso ilaa imika aan wax jawaaba kahaynin ,dawlada iyo cidii dhibta gaysatay doona ,iyada oo aan ogsoonahay in cidii dhibta gaysatay si xor ah ay u dhexsocdaan dhulka una taaqtaaqsanayaan ,isdaa awgeedna waxaan maanta ugu talo galnay inaan baaq dirno fariina ,kuna beegan xuska maalintii afartaa shahiid la dilay ,intaa ka dib waxaanan doonaynaa inaan maanta u sheegno cidii dhibtan gaysatay inaanay naga ahayn cabsi ,naga ahayn doqoniimo ,aamusnida aan ka aamusnay ,laakiinse aan dhawraynay wixii aan anagu gacmahayaga aan ku dhisnay oo ah nabad galayada Somaliland ,hadiise aan nabad galyadii aan ku waynay nabad ,marka waxay nagu kalifaysaa inaan markaa wixii nabad lagu helaayo aan samayno ,oo ah in naftaada aad difaacdo diinta islaamkuna ay dhigayso im afar shay qofka lagula dagaalamo , marka naftaada lagu soo doonta waa inaad naftaada difaacdaa o aad shahiida ,sidaa daraadeed waxaanu maant ahalkan ka sheegaynaa inay dhamatay dulqaadkii lanagu yaqaanay lanagu yaqanay hadaan nahay dadka reer Awdal ,o aanu samri karayn sanad wax kabadan ,sidaa daraadeed waxan doonaynaa inaan u sheegno dawlada cusub , madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisaba ee wadanaka la wareegay inaa naan wax intaa ka badan aan u dulqaadanayn ,in dadkayagii ay gardaro ku maqnaadaan,maalbaa maqan ,nafbaa maqan ,
Dhibaatada intaa leeg waxaan adkaysanayn sanad ,sidaa dareteed waxaan doonaynaa inaan halkan ka sheegno hawshaasi iyadoo aan u dhanahay dhamaanba dhalinyarada gobolka Awdal ,waxa u halkaasi ka xusay Magacyadii Afartii Shahiid
1-Ganacsade Cali Maxamed Maxamuud(cali -bagaashle
2-Eng Haaruun Xaashi Jaamac
3-Pro. Cali Aw-cumar Barre
4-Ganacsade Mawliid Xassan Cumar
Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Xassan Sh C/raxmaan (xassan rabiic ) waxaan maanta halkan u fadhinaa xuska malaintaa madaw ee afartaa shahiid ee sida arxan darada ah loogu dilay dariiqaasi , maanta ujeedada aan halkan u fadhinaa waxa weeyi inaan baaq u dirno sadex qaybood oo bulshada ka mid ah ,
1-waxaan baaq adag u diraynaa dadkii dhibta gaystay ,dadkaa dhibta gaystay waxay leeyihiin salaadiin waxay leeyihin odoyaal
2-baaq labad waxaan ujeedinayaa gudidii ay culumadu ubadnayd ee malana adag nala gashay runtii sadkayagii ka dhigtay ilaayo sanadkaa an sugaynay ,wax jawaaba nagumad soo celini , wax arina nagoo maad keenin
3-baaq waxaan u diraynaa xukuumada hada talada la wareegtay run ahaan dawladau waxa ay u kacdo waxa ay uleedahay awood ,ciidanbay ledahay ,waxa weeyaan awood wax laga qabto waad leedihiin arin wax laga qabtana waad leedihiin ,waxanan leenahay qadiyadaasi waa qadiyad sanad soo jiitamaysay waa in wax laga qabtaa
Waxa kale oo isn ahalkaasi ka hadlay C/qadir Wadad yare waxana uu shegay in qadiyadan in mudo sanada ay sugyaaan in jawaab ay kahelaan ,waxan uuhseegay in aynu marnaba ay iloobayn ,waxaan uleenahay hadii aanu nahay dhalinyartii dawladii hore hore wax ay qabatay sadex qof ilaa imikana ma ogin mel ay gaysay iyo wax ay ku fulisay ,waxana intaasi uu ku daray in ay dawladu soo qabato dadkii falkan waxshinimada ah gaystay sharcigana la horkeeno waxay shareecada islaamku ka qabtana la mariyo ,waxaan leenahay anagoo ku hadlayna magac dhalinyarada gobolka Awdal ,in la keeno ragii dhibaatadaa gaystay ,
waxaa kale ooisna halkaasi ka khadlay isaga oo ku hadlaaya magaca qoysaska shuhadada oo uu dhalayna Ganacsade Cali Maxamed Maxamud (cali-bagaashle)ugu horayn waxa uu ilaahay naxariistii u waydiiyay afartaa shahiid inuu janadii fardawsa ka waraabiyo anaga samir iyo imaan naga siiyo ,waxan uu sheegayanigoo ku hadlaaya magaca afartaa qoys inuu aad ugu faraxsanayahay dhalinyarada oo nala dareensan ayuu yidhi dhibtaasi ,waxana inuu aad u dareemaayo booska ay ku jireen waxwalbanan ilaahay ayaa iska leh ,waxaan jeedinayaa sadexdaa qodob ay walaalahay soo jeediyeen,
Wariye:
Omer Albashiir
Borama

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player