Xulka Qaranka Holland Oo Xalay u Usoo Gudbay Ciyaarta Finalka Ee koobka Aduunka

Arbaco, July 07, 2010 (Idhanka) ?Xulka Qaranka Holland ayaa u soo baxay Ciyaarta kama danbaysta ah ee koobka aduunka ka dib markii 3-2 ay kaga badiyeen Qaranka kale ee Uruguay Ciyaartii xalay ka dhacday Garoonka Green Pointa ee Magaalada Cape Town

Goolkii Koowaad Waxaa Xulka Qaranka Netherland u saxiixay Laacibkooda dhanka Difaaca uga safta ee Van Bronckhors daqiiqadii 18aad,Waxaana Goolkaasi uu ahaa Mid rajo badan ku abuuray Taageerayaasha Xulka Qarankaasi.

Ciyaarta ayaa markii ay maraysay 41 daqiiqo waxaa Bar Bar dhac ciyaarta ka dhigay Kabtanka Xulka Uruguay Diago Forlan ,iyadoo Goolkaasi uu ahaa Mid uu si xoog ah ugu laaday Gool hayaha Holland.

Qaybtii Danbe ee Ciyaarta ayaa Laacibka Sneijder uu Goolkii labaad u dhaliyay Xulkiisa Holland ,Waxaana markii danbe sadaxeeyay Laacibka Robben oo xalay ka dhex muuqday Garoonkii ay Ciyaarta ka socotay.
sidoo kale Goolka labaad ee Uruguay Waxaa u dhaliyay laacibkooda Maximiliano Pereira,Waxaana muuqatay Ciyaarta Qaybteedi danbe in xulka Uruguay uu ka rajo beelay Koobka aduunka.

Xulka Holland 2 mar oo hore ayuu gaaray ciyaarta kama danbeysta ah ee koobka aduunka oo kala ahayd 1974 iyo 1978 waxaase markaasi ka kala qaaday West Germany iyo Argentina.

Koobkaan oo qaarada yurub tagaya wuxuu noqon doonaa kii 10aad ee ay qaataan xulalka yurub 19 final oo ay ciyaareen waana markii ugu horeysay oo xul qaarada yurub ka socda uu koobka aduunka kuqaado meel ka baxsan yurub.

Brazil iyo Argentina ayaa ah xulalka kaliyaha ee ku qaaday meel ka baxsan qaaradooda koobka aduunka Brazil waxey ku qaaday Sweden 1958, Mexico 1970, iyo the United States 1994 iyo sidoo kale Japan 2002, halka Argentina ay ku qaaday koobka aduunka Mexico 1986.

Source-Hol

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player