Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Xukuumadda Somalia oo soo dhaweysay go’aanka Midowga Afrika uu ku kordhinayo ciidanka AMISOM

July 29, 2010 By: Idhanka Category: News

Khamiis, 29 July, 2010 (Idhanka) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii uu ururka
Midowga Afrika ku gaaray inuu ku kordhiyo ciidammada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, kaddib markii Xarrakatul Shabaab ay ku hanjabtay inay ridayso dowladda ay Qarammada taageerto.
“Ururka Midowga Afrika wuxuu go’aansaday inuu ciidamo kale oo gaaraya 4,000-askari ku kordhiyo ciidammadiisa AMISOM, si ay dib ugu soo celiyaan ammaanka dalka.” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Walaayo oo la hadlyay VOA-da.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadan ay sidoo kale dagaal la geli doonaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda, kuwaasoo todobaadyadii ugu dambeeyay dagaallo adag kula jiray ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Warbixin lagu daabacay wargeyska The Wall Street Journal Arbacadii ayaa lagu sheegay in duqeymaha ay ciidammada AMISOM ka geysanayaan Muqdisho ay dhaawaci karto taageerada ay ka helaan beesha caalamka.

Wargeyska ayaa hadalkan kasoo xigtay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Johnnie Carson, kaasoo sheegay in qodobkan ay isaga iyo madaxda Midowga Afrika kaga doodeen shirkii Uganda.

Dowladda Mareykanka ayaa taageero dhaqaale ku bixisa howlgalada ciidammada AMISOM, kuwaasoo dagaal maalinle ah kula jira xoogagga Islaamiyiin ah, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyay ay ku dhinteen ugu yaraan 13-qof, ayna ku dhaawacmeen 40-kale.

Xoogagga Islaamiyiinta ah ayaa sheegay inay doonayaan inay qabsadaan qaybta yar ee ay dowladda KMG ah ka maamusho Muqdisho, waxayna weerarro aan kala go` lahayn ku qaadaan xarunta Madaxtooyada oo meelo ku dhow ay ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Jean Ping oo ka hadlay gabagabadii shirkii Midowga Afrika oo Talaadadii lagu soo gabgabeeyay xarunta dalka Uganda ee Kampala ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo dheeraad ah u geynayaan Muqdisho.

Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole