Xiddigta cusub ee madasha siyaasada Soomaliland

Siyaasiyada ugu fadala cad uguna dadaal badan ee Soomaaliland u kacday waa gabadha la yidhaa Amaal Xaji A.Miisaan ee ku nool magaalada Boorame iyadoo ah xubinta ugu mihiimsan ee xisbiga Kulmiye ah ee Awdal iyo Salal.
 
Amaal waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaadatay ololihii doorashada madaxtooyo.Waxay halka hore keentay Xisbiga Kulmiye oon looga fadhiyin inuu olole muuqda ka sameeyo Awdal iyo Salal. Amaal oo dhexda u xidhatay guusha Kulmiye inay noqoto mid xaqiiqa ah waxay isku dubariday maamulkii xisbiga ee Kulmiye iyadoo si agaasim sare ah u habaysay qaabka ololaha loo galayo. Amaal waxay xooga saartay inay haweenka, danyarta iyo dhalinyarada isku xeerto iyadoo fahansiisay in dantoodu ku jirto isbadal dalka ka dhaca. Amaal waxay qabatay oy soo agaasintay banaabixii u weynaa ee haweenka Awdal/Salal sameeyaan iyagoo si dhiirani leh u shaaciyay inay barbarjoogaan xisbiga Kulmiye.
Dhowr maalmood ka dib banaanbaxa waxay Amaal iyo gudigii la shaqaynaysay oo uu ka mid ahaa Salaan Cabdi Cige iyo Dacar ku gulaysteen inay beesha ugu badan degmada Boorame oo ah beesha Amaal kasoo jeedo si cad ugu oleleeyaan kulmiye.
Amaal oo ah marwo cod kar ah, kuna sifowday hawlkarnimo iyo anshax wanaagsan waxay mar qudha isa soo taagtay madasha siyaasadeed iyadoo noqotay shaqsiyada ugu caansan ee manta laga qadariyo Awdal iyo Salal.
Hoggaanka sare ee Kulmiye wuxuu qarwaasaday hawlkarnimada Amaal maalintii madaxweyne Siiraanyo booqashada ku yimid Boorame. Maalintaas oo Awdal uu ka dhacay banaanbixii ugu weynaa taariikh ahaan,waxay noqotay maalin Siraanyo ilaawi Karin siduu qudbadiisii Boorame ku caddayd. Siraanyo wuxuu yidhi inuu filaayay in la soo dhaweeyo laakiin marnaba ma filay inay waxanoo kale dhici doonaan iyuu gudoomiye siiraanyo cadeeyay isagoo qiiro ka muuqato. Arintaas Siiraanyo iyo kulmiye ka fajicisay waa hawlo isku soo dubaridkooga kow ay ka ahayd marwo Amaal Xaaji A. Miisaan.
Hufnaanta, dabeecad wanaaga, kartida iyo u dhuun-daloolida siyaasada ee ka muuqata marwo Amaal waa xaqiiqooyinka keenay inuu Kulmiye guul tirsado. Amaal waa siyaasiyad gidaar adag ku noqotay maamulkii Udub oo ahaa mid aan waxba la hadhin sidii uu u wiiqi lahaa xisbiga Kulmiye laantiisa Awdal/salal. Labadaas gobol oo run ahaantii ahaa meesha ay Udub xooga saartay si ay ugu shubtaan inkastoo ku talagalkoogii uu fashiliyay dadaalkii Amaal iyo intii ay meel ka soo wada jeedeen.
Amaal oo ah shaqsiyada manta ugu xog ogaalsan dhinaca siyaasada iyo maamul xumadii udub ku hayay Awdal/Salal, waxay dadku rajaynayaan inay ka mid noqoto kuwa loo xil saari doono  ka midho dhalinta isbadalkii dadku doorteen. Maanta shicibweynaha Awdal/Salal waxay sugayaan inay hoggaanka qabtaan dad la mid ah Amaal, waxayna jecelyihiin in Amaal waxqabadkeeda ka hirgaliso Awdal iyo salal halkaas oo ay arimada haysta ay aad iyo aad ugu dhuundaloosho iyadoo wax  la karti ihina muuqan. Maamulada gobolada Awdal/salal oo ku sifoobay kuwii ugu karti xumaa iyay dadku sugayaan in loo dhiibo dad tirsaday karti, hufnaan iyo daacadnimo sida Amaal Xaji Miisaan.
Kulmiye oo ku balan qaaday inuu haweenka ka riixi doonin doorka ay ku leeyihiin siyaasada iyo maamulka saree dawlada iyaa laga filayaa inuu dalka iyo dadka uuga faa’ideeyo shaqsiyaadka ay ka mid tahay siyaasiyada reer Boorame ee Amaal Xaji Axmad Miisaan oo ah xiddig nuuraysa oo ku soo biirtay madasha sare ee siyaasada Soomaliland.
Omar Muxumad
Borama, 25july 2010

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player