Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Xaflada Xilwareejinta iyo Dabaal degga Guusha Doorashada oo la Kala Saaray

July 24, 2010 By: Idhanka Category: News

Hargeysa(Idhanka)- Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Xilwareejinta Madaxtinimada Somaliland ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in Guddi ahaan ay kala saarayn Xaflada Xilwareejinta iyo Dabaal dega Guusha Doorashada.

Warka Qoraalka ah oo Dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan”

“Iyadoo maalinta Salaasada soo socota ee bishan July tahay 27, 2010, abbaaro 10:00 subaxnimo ku beegan tahay inay xarunta Madaxtooyada Somaliland ka dhacdo xafladda dhaarinta iyo xil-wareejinta Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan ay isugu yimaaddeen xubnaha guddiga qabanqaabada xafladdu waxay kaga doodeen suurtogalnimada in isla maalin qudha la wada qabto munaasibadda qaran ee dammaashaadka guusha doorashadii Madaxtooyada Somaliland iyo xafladaha dhaarinta iyo xilwareejinta.

 Sidaa darteed, waxa ay guddigu go’aansadeen in la kala qaado labada munaasibadood ee isbarkan, lana kala horreysiiyo, isla markaana xafladda xilwareejinta iyo dhaarinta la qaban doono maalinta loo qoondeeyey ee 27-ka July 2010, iyagoo guddidu dib ka soo sheegi doona waqtiga ugu habboon ee ay qabsoomi doonto xafladda dabbaaldegga guusha dhammaystirka hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday 26 June 2010.”

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Taylanle
Gudoomiyaha Guddida Qabanqaabada Xaflada Xilwareejinta
 

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole