Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo sheegtay in kooxo Argagaxiso ah ay Joogaan Gobolka Iyo Askar Maanta Lagu Dhex Toogtay Bosaaso

Axad, 25 July, 2010 (Idhanka) – Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland C/qani Salaad Gurey oo la hadlay Warbaahinta Bosaaso ayaa ka hadlay howlgalo ay ciidamada amaanka ka wadaan meelo ka mid ah magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
 
Waxa uu sheegay wasiirka in ay jiraan kooxo argagaxiso ah oo gudaha gobolka ku sugan ,kuwaasi oo Falal amaanka lid ku ah gaysanaya ,Waxaana uu xusay in ciidamada ay ku guulaysan doonaan howlgalada ka socda Bosaaso.
 
C/qani Salaad Gurey Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in  dilalkii ka dhacay gobolka qaar ka mid ah la hayo ,isla markaana maxkmada la soo taagi doono dadkii gaystay.
 
Dhinaca kale labo ka tirsan askarta canshuuraha bariga ee Puntland ayaa maanta lagu toogtay Bartamaha Suuqa caanaha ee Magaalada Bosaaso,Waxaana dilkooda fuliyay dabley hubaysan oo afka soo duubtay.
 
Ciidamo ka tirsan kuwa degmada ayaa maanta xiray agaagaarka suuqa Bosaaso si loo baaro dilka halkaasi ka dhacay ,Mana jirto cid ilaa iyo hada loo soo qabtay falkaasi sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Gobolka.
 
Askarta lagu dilay Bosaaso ayaa mid ka mid ah Waxaa lagu Magacaabaa Dhagaywane ,Waxaana Dilka loo gaysatay uu qayb ka yahay falalka amni xumo ee baryahan danbe ku soo kordhay Puntland
Source-Hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes