Warbixin ku saabsan qaraxyadii ka dhacay Magalaadda Kampala, iyo dadka Soomaaliyeed ee Uganda ku nool oo wadnaha farta ku haya

 

Warbixin ku saabsan qaraxyadii ka dhacay Magalaadda Kampala, iyo dadka Soomaaliyeed ee Uganda ku nool oo wadnaha farta ku haya.

Isniin, July 12, 2010 (Idhanka) – 67 qofood ayaa inta la xaqiijiyay  ku geeriyooday ku dhawaad 85- kalena dhaawacyo  ayaa soo gaaray, kaddib markii xalay laba qarax lala beegsaday 2-maqaayadood oo dadkaasi ay ku daawanayeen ciyaartii ugu dambeysay ee koobka adduunka ee u dhexesay wadamada Holland iyo Spain

Qaraxyadan ayaa ka dhacay maqaayad ku taala xaafadda Kabalagala ee uu leeyahay ganacsade Itoobiyaan ah iyo maqaayadda Kyode Rugby Club ee xaafadda Nkwa, waxaana sida uu sheegay taliyaha ciidamada Police-ka wadankan  Major General Kale Kayahuuru in ay dhici karto in ay ka dambeeyeen midkood kooxda  Mucaaradka ah ee LRA  iyo kooxda Al-shabaab ee Soomaliya.
 
“Si rasmi ah uma xaqiiin karo cida ka dambeysay musiibadaan nagu habsatay, laakiin baaritaan qodo dheer ayaan ku wadnaa cidda ka dambeysay iyo nuuca ay ka sameysan yihiin wax-yaabihii  la qarxiyay, waana soo bandhigi doonaa” ayuu iri Kayahuru.

Taliyahe Kayahuru  ayaa sidoo kale uga digay dadka reer Uganda isku imaantinkooda faraha badan ee Maqaayadaha, goobaha basaska laga raaco,  suuqyada iyo goobaha ciyaaraha lagu daawado ilaa amar dambe.
 
Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday qaraxyadii labada goobood ee ciyaarta lagu daawanayay ayaa si isku mid ah u sheegay in waxyaabihii qaraxay ay ku duugnaayeen kiraasta hoostooda, oo aysan aheyn bam gacanta laga soo tuuray ama qof is miidaamiyay.
 
Isbitaalka Mulago oo ay dowladdu maamusho ayaa buux dhaafay, kaddib markii la dhigay dhammaan dhaawacyadii goobahaas, iyadoo dhinaca kalena boqolaal asaxaab iyo qaraabo la aha dadkii dhibtu gaartay ay isbitaalka soo gaareen, waxaana shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalkaas ay sheegeen in ay dhimashadu sii badato, maadaama dhaawacyada qaarkood ay halis yihiin.
 
Hal qof oo u dhashay wadanka Mareykanka iyo 3 itoobiyaan ah ayaa inta  la ogyahay shisheeye ama ajinabi ka ah dadkii xalay ku naf waayay labadaas qarax.


 
Dadka Soomaliyeed ee ku nool guud ahaan wadanka Uganda ayaa wadnaha farta ku haya, sababtoo ah bilihii ugu dambeeyay waxaa hanjabaadyo dowladda Uganda ay ka heleysay kooxda  Al-shabaab ee ka dagaalanta wadanka Soomaaliya, waxaana haddii ay dhacdo in Al-shabaab ay qaraxan sheegato dhibaato xoog leh soo food saari doontaa 16-kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo wadanka marti ku ah.
 
Qaraxyadan ayaan ku soo beegmay xilli dowladda Uganda ay isku diyaarineyso marti galinta shirka 15-aad ee African Union ee  madaxweynayaasha qaaradda Africa oo 27-ka bishan ka furmaya caasimada Uganad ee Kampala.
 Source-Hol

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player