Shir Madaxeedkii Wadamada ku jira Midowga Africa oo maanta ka furmaya Magaalada Kampalla
Axad, 25, July, 2010 (Idhanka) Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Kampalla ee dalka Uganda ugu furmaya kulan Madaxeedka Wadamada ku jirra AU ama Midowgga Africa waxaana Magaalada Kampalla ee dalka Uganda ku sugan Madaxweyayaasha Wadamada ku jira Midowgga Africa oo uu ka mid yahay Madaxweyne Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Kulanka u furmaya Madaxda wamada ku jirra Midowgga Africa ayaa Ajdayaasha horyaala waxaa ka mid ah arrimaha Soomaaliya iyo Dafur iyo sidii iskaashi buuxa looga sameyn lahaa adkeynta Amaanka guud ee Qaarada Africa, waxaana sidoo kale xusid mudan in shirka lagu soo qaadi doono qodobo la xiriira hormarinta Dhaqaalaha Africa iyo deeqaha la siiyo isaga oo Madaxasha shirka uu ku sugan yahay R/iisal Wasaarihii hore ee dalka Britan mudo dheerna soo ahaa Wasiirrkii dhaqaalaha ee dalkaas Gordan Brown.
Madaxweyanaha dalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmad oo u tagay Magaalada Kampalla ka qeyb-galka kulanka Madaxeedka Midowgga Africa ayaa la filayaa in uu hadal ka jeediyo kulanka, waxaana hubaal ah in Madaxweynuhu weydiisan doono Madaxda Africa ee shirka ka qeyb qaadaneysa gacan la siiyo Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay, gaar ahaan in si deg deg ah loo geeyo dalka Soomaaliya Ciidamo dheeraad ah oo ku biira howlaha Nabad-ilaalinta.
Marka la eego kulanka maanta uga furmaya Magaalada Kampalla ee dalka Uganda Madaxda ku jirta Ururka Midowgga Africa waxaa si gaar ahaan loogu eego doonaa go’aamadii ka soo baxay kulankii maalmo halkaa ay ku lahaayeen Wasiiro Arrimo Dibadeedka Wadamada Midowgga Africa sida weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Kampalla kuwaasoo ay mas’uuliyadood sheegteen Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin dagaal qaraar kula jirta Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad-ilaalinta ee AMISOM.
Source-Hol


















