Shir Jaraa’id oo uu qabtay Siyaasi ka soo jeeda Goboladan Awdal/Salal Mudaharaadkii ka Dib+Sawir
Borama(Idhanka)Sida aan la wada socono saaka ayaa caasimadaGobolka Awdal ee Borama, waxaa ka dhacay Mudaharaad lagaga soo horjeedo saami qaybsiga xukuumada Cusub.
Hadaba mudaharaadkii ka dib ayaa waxaa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Siyaasiga Axmed Mu’min Seed oo ka soo jeeda goboladan Awdal/Salal,kana mid ah Xisbiga Mucaaradka Ah ee UCID.
Shirkiisan jaraa’id ayaa waxa uu ku sheegay in Mudaharaadkan maanta ka dhacay Magaalada Borama aan loo wada dhamayn, ee koox yari ay soo abaabushay,laakiin loo baahnaa hadii wax la tabanayo loo waajaho, ka gobolahaan wada hadal iyo is hor fadhiisi, waanan ka soo horjeedaa falkaas fooshaxun leh ee lagu dhaqaaqay maanta,waxa kale oo uu sheegay in reer Awdal dhaqan aan ulahayn fadqalad iyo qalalaso ayna yihiin dad nabad jecel, waa sidii horeylooga bartay, loona baahan yahay in aan iska qabano cida sumcadeena wax udhimaysa,waxa kale oo uu sheegay in dawladan iminka dhalatay ay wali cusubtahay, waxna aynuka arag ee waxaa wanaagsanaan lahayd bal inaan sugno ayay ahayd, laakiin loomabaahnayn in inaga oo ka sii maqan maalmo kursigii, aynu ku kacno falal aanqurux badnayn, waxanan walaalahayaga Somaliland u cadaynaynaa, in ay tani ahayd dad yar oo kooban oo iska dhex waayay Dawladan Cusub,ayna u badnaayeen dadka hawshan ka qayb galay Caruur iyo Dumar, reer Awdalna ayna u wada dhamayn,wixii reer Awdal ay tabanayaan waxa soo jireen u ahaa, wada hadal iyo is horfadhiisi.
Waxa uu ugu danbayn ku booriyay shacabka reer Awdal in ay la shaqeeyaan Dawladan Cusub, nabad galyadana ilaaliyaan, wixii nabadooda iyo deganaanshahoodana wax u dhimaya iska qabtaan,Saami qaybsigan aan iminka kahadlaynana waxa ay banaanayd waqti aan kursiga ku fadhinay in aan ka hadalno,iminkana wadahadalku waa banaan yahay


















