Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Shabaabka oo Beeniyey Ku Lug lahaanshaha Dagaalka Puntland

July 29, 2010 By: Idhanka Category: News

Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso.

Afhayeenka xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo hadal siiyay warbaahinta ayaa wuxuu meesha ka saaray hadalo ka soo baxay saraakiisha Puntland oo sheegayay in dagaalkaasi ay qeyb ka aheyd Al-Shabaab.

“Hadii dadku ay iska caabiyeen dhibaatada ma’ahan in ay meesha Al-Shababa ay joogto,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in aysan wax lug ah ku laheyn dagaalkaasi.

Wuxuu sheegay inuu ahaa mid u dhaxeeyay ciidammada maamulka Puntland iyo weliba dad shacab ah oo mudo badan dhibaato lagu hayay oo iska caabin sameeyay.

Maamulka Puntland ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay duleedka bari ee magaalada Boosaaso in ay qeyb ka ahaayeen xoogag taabacsan Al-Shabaab; waxaana M/weyne Faroole uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid caalami wuxuuna ka digay inuu sii ballaaran doono – hadii aan wax laga qaban.

Dhanka kale ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegtay in iyagu aan wax saameyn ah ku yeelan doonin ciidamada lagu soo biirinayo howlgalka AMISOM.

 

 Source-Bnn

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole