Sedex ka Tirsan Xildhibaanada Barlamanka Puntland oo Xil ka Qaadis Lagu Sameeyay

Arbaco, 29 July, 2010 (Idhanka) –Sedex ka tirsan xildhibaanada Barlamanka Puntland ayaa maanta xilka laga qaaday,ka dib Fadhi ay Mudanayaashu ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimada Puntland,waxaana lagu  eedeeyay in ay ka shaqaynayeen falal amaanka gobolka lid ku ah.

26 Xildhibaan ayaa si gacan taag ah ah ugu codeeyay in xilka laga qaado sedexda mudane ,halka 22 ay ka soo horjeesteen ,waxaana ka aamusay afar mudane oo Barlamanka ka tirsan.

Xildhibaanada xilka laga qaaday ayaa kala ahaa:
1-Saleebaan Cumar Jaamac
2-Abshir Cabdi Sheikh
3-Ibraahim Cabdi Guure

Maxamed Cismaan xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sheegay in xildhibaanadan muddo baaritaan lagu hayay ,isla markaana maanta xilka laga qaaday,Waxaana fadhigii Barlamanka ka soo qayb-galay madaxwaynaha Punland Dr C/rixmaan Faroolle.
Xilka qaadista lagu sameeyay mudanayaashaan ayaa ku soo beegmaysa ,iyadoo ay jiraan dagaalo dowlada kala dhaxeeya Maleeshiyaadka Alshabaab ee ku sugan buuraha degmada Gal-Gala ee gobolka Sanaag.

Source-hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes