Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Roob Xoogan oo Saaka ka Da’ay Hargeysa

July 24, 2010 By: Idhanka Category: News

Roob aad u Xoogan ayaa saaka ku waabariistay Magaalada Hargeysa iyadoo dadku kusoo toosayn Roobka oo si wanaagsan uga bilaabmay.

Roobka oo bilaabmay abaaro 7:30 Subaxnimo ayaa da’aya ilaa wakhtigan oo ah 10:00 Subaxnimo waxana xidhmay inta badan wadooyinka dhexmara magaalada Hargeysa, ha ugu darnaato wadada Halbawlaha ah oo dhinac marta Dugsiga Sheekh Bashiir iyo Sakada Rakuub halkaas oo gawaadhidu ku xanabnayd saaka.

Roobka oo bilawgii hore dabaylo watay ayaa hadda si tiix ahaan ah u da’aya mana jirto ilaa hadaaya wax dhibaato ah oo uu geystay.

Xiligan oo lagu jiro Xagaaagii oo ay dhacayaan Dabaylaha Xagaagu ayaan hore looga baran roob da’a laakin sanadkan inta badan wuu ka da’aa Hargeysa waxayna dadku ka raystayn Dabaysha oo Siigo iyo Boodh wadan jirtay oo aan hadda lahayn.

Dabaysha ka dhacda Hargeysa ayaa lamid ah ta neecawda loo yaqaan inkastoo maalmaha qaar ay Siigo xoogan wadato.

Source-bnn

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole