Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu ciidamada AMISOM kala hadlay Madaafiicda lagu garaaco xilliyada Dagaalada Magaalada Muqdisho
Talaado, 27 July, 2010 (Idhanka) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shamar’arke oo la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada AMISOM uu kala hadlay duqeymaha loo geysto goobaha ay shacabku ku sugan yihiin xilliyada ay dagaalladu dhacaan.
Sharma’arke ayaa sheegay in duqeynaha loo geysto Magaalada Muqdisho xilliyada ay dagaalladu dhacaan ay khasaaraha ugu badan kasoo gaarto dadka shacabka ah, isagoo xusay in ciidamada AMISOM ay ku wargeliyeen inaan la duqeyn Magaalada.
“Madaxda Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda waxaan ku wargelinay inaan degmooyinka aanay dagaaladu ka socon la duqeyn, marka ay dagaaladu ka socdaan Muqdisho” ayuu Ra’iisul wasaare Sharma’arke u sheegay Idaacadda ay dowladdu maamusho ee Radio Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkiisa kusoo beegaya xilli ay dagaallo sababay dhimashada ugu yaraan 22-qof oo shacab u badan iyo dhaawaca dad ku dhow 50-qof oo kale ay shalay ka dhaceen Magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa waxaa intooda badan ay madaafiic culus kula dhaceen degmooyin ka fog halka lagu dagaalamayay, waxaana tan iyo xalay ka socday Muqdisho duqeymo culus oo ku dhacayay degmada Boondheere oo uu dagaalku ka dhacay iyo degmooyinka kale.
Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ugu baaqay kooxaha Dowladda kasoo horjeeda inay dhankooda joojiyaan dagaalada ay uga horjeedaan Dowladda, si loo badbaadiyo dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday dagaallo u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac kasoo jeeda iyo Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM, waxaana dagaalladaas ay khasaaraha ugu badan uu ka gaaray shacabka.
Source-Hol


















