Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Magacaabista Xubnaha Cusub Ee Wasiirada Oo Ka Dhacay Hargeysa

 

Hargeysa (Bnn-Idhanka)- mudahaarad laga soo hor jeedo magaacisbta uu madaxweynaha Somaliland magaacabay xubnaha golaha wasiirada ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa gaar ahaana xaafada loo yaqaan isha boorama.

Mudaharaadayaasha ayaa ka cabanaayey in deegaan ahaan aan waxba laga siin xubnaba cusub ee golaha wasiirada ah, waxaanay sheegay in ay mudaharaadkii sii wadi doonaan hadii aan laga noqon sida ay sheegeen talaabada uu ku dhaqaaqay madaxweynaha Somaliland.

Dadka mudaharaadka dhigayey ayaa u badan dadka ka soo jeeda deegaanka Sayla Bari gaar ahaana (Ayuub Sheesh Isaxaaq).

Mudaharaadayaasha ayaa ilaa hada lagu soo waramayaa inay wadaan, waxaana la sheegay in dad badan oo ka tirsan dadka mudaharaadka waday in la xidh xidhay.

Ciidanka booliska ayaa ilaa hada la tacaalaya sidii ay mudaharaadayaasha u kala kaxayn lahaayeen, balse uma suura galin, in kastoo ay qayb ka mida xabsiga loo taxaabay.

Waa markii ugu horaysay ee xukumada cusub lagu mudaharaado, tan iyo markii lagu dhawaaqay xubnaha cusub ee wasiirada.

Qaar ka mida dadka degan xaafada Isha Boorama oo aan khadku tilifoonka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay inay mudaharaadkii sii wadi doonaan hadii aan wax laga bedelin qaabka loo xulay wasiirada, waxaanay intaas noogu dareen in aanay sidaas ka filayn madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Hadaba talaabadan ayaa la odhan karaa waxay lidi ku tahay geedi socoka hawlaha golaha wasiirada iyo hawl galkooda, gaar ahaan marka lag eego dhanka ka hawl galida shaqooyinka xukumada

Source-bnn

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes