Madfac ay ku dhinteen 5 ruux oo isku qoys ah oo xalay ku dhacay guri yaal degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir
Axad, 24 July 2010(Idhanka): Madfacan oo xalay fiidkii ku habsaday guri ku yaallay degmada yaaqshiid ee gobolka banaadir ayaa waxa uu sababay dhimshada 5 qof oo rayid iyo iyo dhaawaca mid kale.
Shanta ruux ee uu madfaca ku habasaday ayaa waxa ay kasoo wada jeedeen hal qoys iyadoo xilligii uu madfaca ku habsanayay ay ku sugnaayeen aqalkooda ku yaallay Degmadaasi oo ay xalay ka jireen duqeymo aad u culus.
Qaar katirsan dadka ku dhaqan degmada yaaqshid oo HOL u waramayay ayaa sheegay in xilliga uu madfaca ku habsanayay qoyska ay ahayd salaadii cishe ka dib, waxaana ay sheegeen in duqeyntaasi ay ku nafwaayeen qoyskii ka koobnaa 5-ta ruux halka mid kalena laga soo saaray dhismaha hoostiisa isaga oo dhaawac halis ah, waxaana ay sheegeen in duqeyntaasi ay ka timid dhanka ciidamada midowga Africa ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Dadka ay HOL wareysatay ayaa intaasi ku daray in ay saaka wadaan dadaallo ay ku aasayaan meydadkii uu xalay madfaca ku habasday iyadoo ay sheegeen in meydadkii dadkii ku nafwaayay halkaasi ay hilbahooda cad cad u googo’een.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu madfac ku habsado guri ku yaal xaafadaha gobolka banaadir haseyeeshee duqeymaha isdaba jooga ah ee aalaaba ka dhaca Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxa ay Qasaaro kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee ku dhaqan qaar katirsan xaafadaha gobolka Banaadir.
Sourc0 Hol


















