Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Madaxweyne Siilaanyo Siduu u Wajahayaa Mucaaradka Hubaysan ee Gobolka Sool iyo Buuhoodle?

July 28, 2010 By: Idhanka Category: News

Madaxweynaha cusub ee Soomaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanada Sool iyo Buuhoodle ayaa sheegay in xukuumadiisa ay waan waan la geli doonto beelaha ku dhaqan gobaladaasi.

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbadiisii uu kaga dhawaaqay Wasiirada Ka mid noqonaya Xukuumadiisa cusub ayuu kusoo qaatay in dowlada Somaliland ay dooneyso in si nabad ah ku dhameyso xiisadaha ka taagan gobaladaasi, asagoo sheegay in waan waan ay la geli doonaan cuqaasha iyo issimada kasoo jeeda deegaankaasi.

“dagaalada maaha kuwo cid ay dani ugu jirto, waxaanu ku dadaaleynaa oo xooga saareynaa in aan si nabad ah ku dhameyno…” ayuu yiri Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxu sheegay inuu markasta isku dayi doono sidii wada hadal loogu xalin lahaa dhibaatada ka taagan Sool iyo Buuhoodle isagoo sheegay inuu gogol nabadeed u fidinayo Garaadada iyo Maleeshiyada la socota.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalada ka socda koonfurta Soomaaliya asagoo sheegay in ay ka xun yihiin dhiiga uu weli sii daadanayo, asagoo ugu baaqay kooxaha ku dagaalamaya koonfurta Soomaaliya inay ka waantoobaan dhibaatada soo gaareysa shacabka Soomaalida ah.

Madaxweynaha Cusub wuxu sidoo kale sheegay in Xukuumada Somaliland ay bulshada caalamka kala shaqayn doono xasilinta gobolka geeska Afrika iyo ladagaalanka Budhcad badeeda.

Source-bnn

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole