Madaxweyne Siilaanyo oo ku Dhawaaqay Xukuumad Cusub
Madaxweyne Siilaanyo oo ku Dhawaaqay Xukuumad Cusub
Arbaco, 28 July 2010 (Idhanka)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ku dhawaaqay liiska xukuumaddiisa cusub oo ka kooban 20 wasiir iyo lix wasiir-ku-xigeen.
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa ka cudur-daartay haddii aanu liiska magacaabista ku darin dad diyaar u ahaa in ay xil qabtaan.
Liiska wasiirrada cusub:
Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan
Wasiirka xannaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi
Wasiirka maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi
Wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire
Wasiirka hawlaha guud Xuseen Axmed Caydiid
Wasiirka Caafimaad Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
Wasiirka gaashaan-dhigga Axmed X. Cali Cadami
Wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Wasiirka xannaanada, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday
Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
Wasiirka caddaaladda iyo garsoorka Prof. Ismaaciil Muumin Aar
Wasiirka Diinta iyo awqaafta Khaliil Cabdilaahi Axmed
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac
Wasiirka kalluumaysiga, khayraadka dabiiciga ah iyo maamulka dekedaha Maxamed Yaasiin Xasan
Wasiirka macdanta iyo tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
Wasiirka ciyaaraha, dhalinyarta iyo dhaqanka Maxamed Xaashi Madar
Wasiirka beeraha Faarax Cilmi Maxamuud
Wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi
Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire
Liiska wasiir-ku-xigeennada:
Wasiir-ku-xigeenka W/waxbarashada Cali Xaamud Jibriil
Wasiir-ku-xigeenka W/Arrimaha dibedda Maxamed Yoonis Cawaale
Wasiir-ku-xigeenka W/arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe
Wasiir-ku-xigeenka W/Hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq
Wasiir-ku-xigeenka W/Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi
Wasiir-ku-xigeenka W/Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan
Madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa la filayay in uu raaco talooyin ay hore ugu jeediyeen guddi uu u magacaabay inay ka talo-bixiyaan qaabka ay noqonayso xukuumadda cusub ee uu maanta ku dhawaaqay, kuwaas oo ku taliyay in tirada wasiirada uu ka dhigo 15 xubnood, isla markaana uu magacaabo guddiyo kale. Waxa kale oo soo-jeedinta guddidaas ka mid ahayd in agaasimayaashu ay awoodda maamul yeeshaan. Hase yeeshee, liiska uu ku dhawaaqay madaxweynaha cusub ayaanay ka muuqan in uu raacay taladaas ku aaddanayd qaab-dhismeedka xukuumaddiisa, marka laga reebo habka uu isu-raaciyay wasaaradaha.
Si kastaba ha ahaatee, waxa xusid mudan in xukuumaddii uu hoggaaminayay madaxweyne Rayaale ee wakhtigeedu dhammaaday ay ka koobnayd 26 wasiir. Iyadoo ay intaas sii dheeraayeen wasiir-ku-xigeenno iyo wasiiru-dawlayaal.
Wasiirada uu magacaabay madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la horgeeyo Golaha Wakiillada, si cod loogu qaado ansixintooda.
Source-hol


















