Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo tagay dalka Jaad is uu uga qaybgalo shirka dalalka SIIN iyo SAAD oo ka dhacaya dalkaas

July 23, 2010 By: Idhanka Category: News

 

Khamiis, July 22, 2010 (Idhanka) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tagay Shalay oo Arbaco ahayd dalka Jaad si uu uga qaybgalo shirkii 12-aad oo ay dalalka Saaxil iyo Saxaaruhu oo ka dhacaya xarunta dalkaas ee N’djamena, kaasoo soconaya muddo laba casho ah.

Madaxweyne Shariif ayaa ka mid ah 28-hoggaamiye oo ka qaybgalaya shirka SIIN IYO SAAD, waxaana kusoo dhaweeyay dalkaas Madaxweynaha dalka Jaad Iddiris Debbi, iyagoo yeeshay kulan hordhac ah oo ay kaga hadleen xiriirka u dhexeeya labada dal iyo xaaladda dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo uu Madaxweynaha Soomaaliya safar ku tago dalka Jaad, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynenimo sannadkii 2009, wuxuuna todobaadkan safarro kala duawn kusoo maray dalalka Masar iyo Talyaaniga isagoo ka codsaday madaxda dalalkaas inay gacan ku siiyaan xukuumaddiisa sidii ay Soomaaliya ugu soo celin lahayd Nabad iyo kala-dambeyn.

Madaxweynaha Dowladda tabarta yar ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo shirkan, isagoo ka warbixin doono xaaladda dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay iyo dagaalka ay kula jiraan Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin oo wacad ku martay inay xukuumada oo dhan afgambinayso.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Dalka Eritrea Issias Effewerqi, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Hoggaamiyaha dalka Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo ah madaxa Ururka SIIN iyo SAAD iyo Madaxweyaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir.

Dalalka ku mideysan ururka SIIN IYO SAAD ayaa waaxy kala yihiin: Beniin, Burkiino-Faaso, Afrikada dhexe, Kamaruun, Ayfari-koosto, Jabuuti, Masar, Eriteeriya, Gaambiya, Ginni, Ginni Bisow, Gaana, Laybeeriya, Kenya, Maali, Muritaaniya, Marooko, Nayjer, Nayjeeriya, Sinigaal, Siira-Liyoon, Soomaaliya, Sao-Tome-Principe, Suudaan, Jaad, Toogo, Tuuniisiya iyo Liibiya.

Source-hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole