Madaxweynaha la Doortay iyo Madaxweynaha Xilka sii Haya oo Kulan ku yeeshay Madaxtooyada
Hargeysa(idhanka)-Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Madaxweynaha Xilka Wareejinaya Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Silaanyo) iyo Daahir Riyaale Kaahin ayaa Maanta Kulan Albaabadu u Xidhan yihiin ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, Kulankaas oo la sheegay in ay kaga wada hadleen Arrimo la xidhiidha Qabanqaabda Munaasibadda Xil wareejinta oo ku Aaddan Shan Maalmood ka dib.
Kulankan oo aanay labada Madaxweyne Cidi ku wehelin oo qaatay muddo saacado ah ma jiraan war rasmi ah oo laga soo saaray waxyaabihii laga wada hadlay hase yeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa shabakada Ramaasnews u sheegay in labada dhinaca iska xog waraysteen xaaladda dalku haatan marayo iyo qaabka ay u dhici doonto xafladda ay xilka kula kala wareegi doonaan 27ka Bishan.
Ilo wareedayadani waxay intaa ku darayaan in madaxweynaha xilka ka degeya Md. Daahir Riyaale Kaahin uu madaxweynaha la doortay u ballan qaaday in xil wareejinta ka dib aanu waxba ka hagran doonin dalkiisa, isla markaana xukuumadda cusub ee madaxweyne Silaanyo uu kala shaqayn doono dhismaha dalka iyo dawladdiisaba.
Kulankan labada madaxweyne ayaa noqonaya kulankii Saddexaad ee ay wada yeeshaan intii dambaysay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay oo uu codad ka badan 88 Kun xisbiga KULMIYE kaga guulaystay xisbiga UDUB.
Madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Silaanyo) ayaa maalmo ka dib markii komishanku ku dhawaaqay natiijada codbixinta waxa uu magacaabay guddiyo ay ka mid yihiin guddiga qabanqaabada xafladda xil wareejinta, kuwaas oo uu u xil saaray inay xukuumadda xilka ka degeysa, isla meel dhigaan qaabka ay munaasibaddu u dhacayso iyo martida lagu soo casuumayo.
Source-bnn


















