Maamulka Degmada Bosaaso oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Iyo Howlgalo Amaanka Lagu Sugayo Oo Wali ka Socda Bosaaso
Talaado, 27, July, 2010 Idhanka -Duq degmada Bosaaso Maxamuud Beeldaaje Faarax oo xalay la hadlay Qaar kamid ah idaacadaha Bosaaso ayaa ka warbixiyay howlgalo kala duwan oo laga fuliyay meelo ka mid ah gudaha degmada.
Waxa uu sheegay duqa in gacanta lagu hayo dad qorshaynayay in falal amaan darro ah ay ka gaysataan gudaha Bosaaso,waxaana uu xusay in dadkaas la soo hortaagi doono Maxkamada si xukuno kala duwan loogu fuliyo.
Maxamuud Beeldaaje Faarax duqa degmada Bosaaso ayaa si gaar ah u xusay Nin lagu qabtay Bosaaso ,kaasi oo gacata lagu dhigay isaga oo walxaha qarxa ku aasaya hareeraha Laamiga oo markaasi ay marayeen Ciidamo ka tirsan Dowlada.
Shacabka Bosaaso waxaan ugu mahadcelinayaa in ay garteen dantooda ,waxaana ugu baaqayaa in nabadgalyada ay ka shaqeeyaan”ayuu yiri Duqa isaga oo ku sugan Bosaaso.
Mar uu ka hadlayay Maxamuud Beeldaaje duqa degmada Bosaaso dagaalkii dhexmaray Puntland iyo Ciidamada Sheekh Attam ayuu sheegay in dowladu ay ka hortagayso cid kasta oo isku dayda Carqaladaynta amniga gobolka.
Dhinaca kale magaalada Bosaaso waxaa ka soconaya kullumo joogta ah oo ay yeelanayaan xubnaha dowlada ee ku sugan Degmada si looga wada hadlo xaaladaha amni daro ee Puntland ku soo kordhay.
Source-Hol


















