Kulan loogu arinsanayay Wacyigalinta Talaalka caruurta oo Borama ka dhacay. +SAWIRO
Borama(Idhanka) Waxaa galabta lagu qabtay hotelka Rays ee magaalada Boorama kulan balaadhan oo laggula hadlayay howl-wadeenada ka qeyb qaadanaya wacyi galinta Talaalka Boolyada oo beri ka bilaabmaya degmooyinka gobalka Awdal.
Kulankaan ayaa laga dooday sida ugu wanaagsan Talaalka Boolyada lagu gaarsiiyo dhamaan Caruurta ku nool deegaanada gobalka Awdal, iyadoo si qoto dheer raacay in cid walba kaalinteeda kaga aadan wacyi galinta kaga qeyb galo lana Isgaarsiiyo fariinta ah Faaiida talaalku u leeyahay ubadka yaryar.
Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Haween aad u tira badan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay ururka wadaniga ah ee magaciisa la yiraahdo AWSG Awdal Womem Solidarity Group, oo xilsaaran ku wacyi galinta bulsada Talaalka.
Munaasabadaan balaadhan waxaa kale oo ka qeyb galay Saraakiil ka socota Wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo tan gobalka Awdal,, mas’uuliyiin ka socota Hay’ada UNICEF iyo WHO iyo ururka wadaniga ah ee AWSG.
Waxaana halkaa ka hadlay, Yaasiin Qalinle oo madax ka ah ururka AWSG, una xilsaaran wacyi galinta talaalka, sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. Cabdi Daauud Muuse oo ah Iskuduwaha Wasaarada Caafimaad ee gobalka Awdal isagoo ammaan u jeediyay ururka wadaniga ah ee wada wacyi galinta talaalka Boolyada ee beri bilaabmaya.
Waxaa kale oo munaasabadaan ka hadlay Madaxa WHO ee gobalka Awdal Siciid Bile Buraale, waxuu sheegay inay muhiim tahay in caruurta yaryar la talaalo si loogu ilaaliyo cuuryaanimada.
Mas’uuliyiinta kale ee ka hadlay kulankaan waxaa kamid ahaa Agaasimaha Waaxda wacyi galinta Axmed Yuusuf Jaamac, Xoghaya Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdilaahi Xuseen Aare.
Si kastaba ha ahaatee, maalinta berito ah ayaa gobalka Awdal waxaa si buuxda ugu bilaabmaya wacyi galinta talaalka Boolyada ee sannad walba ka dhaca gobalkaan Awdal.
Source-Bnn
Source-Bnn


















