Kooxdii ugu Dambeysay Afrikaanka oo laga Reebay Koobka Aduunka

Kooxdii u dambeesay ee Qaaradda Africa oo laga saaray koobka aduunka Kooxda qaranka Ghana oo aheed kooxda kaliya ee ka socotay qaaradda Africa ayaa laga saaray koobka aduunka kadib markii ay guuldarreesatay kulankeedii wareega 8-da.

 Uruguay ayaa Rigoorayaal kaga adkaatay Ghana kadib markii ay is mari waayeen labada xul 120 daqiiqo oo ay wada cayaareen. Labadaan Xul ayaa ku kulmay wareega 8-da ee koobkaan waxa ayna cayaartoodii ku dhamaatay 1-1 xataa waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray cayaarta. Suley Muntari ayaa goolka furitaanka ee garoonka u dhaliyay xulkiisa Ghana daqiiqadii u dambeesay ee qeybta hore ee cayaarta.

 Diego Forlan ayaa ka dhaliyay Ghana goolkii barbardhaca ahaa daqiiqadii 55-aad ee qeybta labaad ee cayaarta isagoo kubbad laad xur ah ka toogtay meel ka fog goosha kooxda Ghana. Guud ahaan cayaarta ayaa kusoo idlaatay 1-1, kadib 30 daqiiqo oo dheeri ah oo lagu daray cayaarta ayaanan waxba iska badalin natiijada ilaa daqiiqadii u dambeesay ee 120-aad,

markaas oo ay Ghana heshay kubbad rigoore aheed. A.Gyan ayaa ka qasaariyay rigooradaas xulka Ghana taas oo soo gabagabeyn laheed cayaarta isla markaana Ghana iyo Africa ay u noqon laheed markii u horreesay oo ay kasoo muuqdaan Semi finalka. Suarez oo weerarka uga cayaara Uruguay ayaa gacanta ku qabsaday kubbada oo goolka sii galeesa taas oo rigoore lagu abaalmariyay Ghana islamarkaana laga saaray Cayaarta Suarez oo loo taagay calaamadda cassaanka ah.

 Garsooraha ayaa go’aamiyay in lagu kala baxo rigoorayaal waxayna labada kooxba soo saarteen ilaa 5 cayaaryahan oo u tuura rigoorooyinka. Uruguay ayaa waxaa rigoorooyinka u tuuray cayaaryahanada kala ah: Forlan, Victorino, Scotti, Pereira iyo Abreu waxaana ka qasaariyay hal cayaaryahan oo ah Pereira halka inta kalana ay saxiixeen.

Xulka Black Stars ayaa iyaguna waxaa u tuuray rigoorooyinka Xiddigaha kala ah: Gyan iyo Abiah oo dhaliyeen darbadihii ay tuureen halka Mensah iyo Adiah ay ka qasaariyeen. Guud ahaan waxaa 4-2 ay guusha ku raacday Uruguay oo u gudubtay Semi finalka, waxa ayna fooda dari doontaa Holland wareega xiga ee Semi finalka

Source-Bnn

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player