JALIYADDA SOMALILAND EE CHICAGO(USA) OO DIRAYSA HANBALYO

KU: MADAXWAYNAHA CUSUB EE JAMHURIYADA SOMALILAND,MUDANE AHMED MOHAMED MOHAMUD (SIILANYO) IYO KU XIGEENKIISA,MUDANE C/RAHMAN C/LAHI ISMACIIL (SAYLICI).
 
KU: MADAXWANIHII HORE EE JAMHURIYADA SOMALILAND ,MUDANE DAHIR RAYALE KAHIN IYO KU XIGEENKIISII,MUDANE AHMED YUSUF YASIN.
 
KU: GUDOOMIYAHA XUSBIGA MUCAARIDKA EE UCID,MUDANE FAYSAL CALI WARAABE IYO KU XIGEENKIISA,MUDANE MOHAMED RASHIID SH.HASSAN.
 
KU: COMMISSIONKA QARANKA.
 
KU: DHAMAAN XUIBNAHA GOLAHA WAKIILADDA.
KU:DHAMAAN XUBNAHA GOLAHA GUURTIDA
KU:DHAMAAN LAMAHA AMNIGA & NABADGALYADA DALKA.
KU:DHAMAAN SHACBI WAYNAHA REER SOMALILAND GUDO & DIBADBA.
 
ANAGOO AH MAAMULKA JALIYADA SOMALILAND EE CHICAGO,KUNA HADLAYNA MAGACA SHACBI WAYNAHA REER SOMALILAND  EE CHICAGO IYO NAWAAXIGEEDA..
WAXAAN HANBALYO IYO BOGAADIN U DIRAYNAA DHAMAAN XUBNAHA AAN KOR KU SOO SHEEGNAY,SIDA FIICAN EE WADASHAQAYNTA LEH EE AY UGA SOO QAYB QAATEEN HAWSHII CUSLAYD EE HORTAALAY.
 
WAXAY AHAYD TIJAABO CULUS OO HORTAALAY JAMHURIYADA SOMALILAND CAALAMKA OO DHAMINA INDHAHA KU EEGAYEY,WAXAAD UGA SOO GUDUBTEEN WADASHAQAYN,WADATASHI,WALAALTINIMO,ISKUTANAASUL,.CADAALAD,AQOON IYO KARTI .
 
JAALIYADA REER CHICAGO WAXAY MADAXWAYNAHA CUSUB IYO KU XIGEENKIISABA U RAJAYNAYAAN INUU ILLAHAY U FUDUDEEYO XILKAA CULUS EE LOO DHIIBAY.
 
WABILAHI TAWFIIQ.   JAMAL DAHIR SHIRDON,CHICAGO.U.S.A

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player