Jaaliyadda UK ee ka soo jeedda Awdal oo ururka ARDAA ugu deeqay 36 kun oo dollar +Wareysi
Xalay oo ay bisha July tahay 25, sannadka 2010. Waxa magaalada London ka dhacay kulan uu ka soo qayb galay guddoomiyaha ururka samafalka ah ee ARDAA Ibrahim Absiiye oo dhawaan ka soo kicitimay dalka Kanada ee uu deggen yahay, socdaal gaabanna ku soo gaadhay dalka Ingiriiska.
Kulankan oo ay qaban qaabiyeen jaaliyadda reer Awdal ee dalkan UK, ayaa ku kulmay hool ku yaalla xaafadda Harrow ee magaalada London. Waxana halkaa warbixin dheer oo maqal iyo muuqaal ah ka soo jeediyey Ibrahim Absiye, oo ka warramay Mashruuc horumarineed oo ay doonayaan in ay dhawaan ka fuliyaan dalka Somaliland, gaar ahaan degmada Lughaya oo ka mid ah gobolka Awdal.
Waxa kale oo uu gees iska mariyey in aanay ururkoodani wax shaqo ah ku lahayn siyaasad. Shaqadooduna ay mar walba ku salaysan tahay daraasad lagu ogaanayo kolba baahida aasaasiga ah ee ay bulshada isku degaan ahi ay leedahay. Wax qabadkooduna uu gaadhi doono gobollada Somaliland, Kililka shanaad, Djabouti.
Haddaba mashruucaasi horumarineed oo ugu horreyn lagu dhisayo deked laga dhisi doono Lughaya ayaa dadkii shirka ka soo qayb galay aad u soo dhaweeyeen. Markii ay su’aalihii mashruuca laga weydiinayey guddoomiyaha iyo doodihii ay dhammaadeenna waxa la bilaabay in la ururiyo qaadhaan hor dhac ah oo dhan 36 kun oo dollar.
Shirkii markii uu xidhmay waxa aan nasiib u helay in aan waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeesho Guddoomiyaha ururka ARDAA. Waraysigiina sidan ayaa uu u dhacay:
Su’aal: Guddoomiye sideed u aragtaa kulankani Caawa?
Jawaab: Runtii aad ayuu ii farax geliyey, aadna waxan ugu mahadnaqayaa, walaalahayga sida sharafta iyo maamuuska leh ii soo dhaweeyey, ururkana ugu deeqay caawa lacag dhan 36 kun oo dollar.
Su’aal: Mashruucan aad uga warantay goorma ayaad hirgelinaysaan?
Jawaab: Qorshahayagu waa bilow, daraasaddiina inta badan waan soo dhammaynay, dhaqaalihii aan ku hawl galaynayna ururintiisii ayaan ku guda jirraa. Waxana fiican in aad wararkayaga kala socotaan shabakaddayada ardaa.org.
Su’aal: Waxa aad shirka ka sheegtay in aydaan wax carqalad ah oo idinkaga timaadda dawladaha jaarka ah aydaan cabsi ka qabin, oo aad weliba ka filaysaan in ay idinla shaqeeyaan. Waxana aad daafadaysay su’aalo la xidhiidha in aad cabsi ka qabi kartaan Somaliland amma Djabouti. Bal arrintaa nooga warran?
Jawaab: Waxan filayaa in aanay cidina diyaar u ahayn dhibaato, dadka reer Somaliland iyo Djaboutina ay diyaar u yihiin in uu gobolku horumar gaadho. Horumarka ummadduna waa mid sida aan aamminsanahay wax weyn ka tari kara nabadda iyo horumar ay ummaddu gaadho. Dagaal iyo rafaad haddii uu faa’iido leeyahayna waxa cashar innoogu filan dabka ka holcaya koonfurta Somalia.
Su’aal: Xidhiidh ma la leedihiin dawladaha gobolka geeska gaar ahaan Somaliland, Djabouti iyo Itoobiya oo aad sheegtay in uu ururku ka hawl geli doono mustaqbalka?
Jawaab: Walaal, in aad illaa iyo xad kaaga jawaabo su’aashaada iyo asluubka aan u wada shaqayno dawladaha adduunka guud ahaanba waa mid jabinaysa siyaasadda ururka. Loomana baahna in aan wax kasta kaaga warramo. Dawladaha gobolka ee maanta geeska Afrika ka jiraana iyaga ayaa u diyaar ah sida aan fahamsanahay, in ay helaan hay’ado ka qayb qaata dhismaha dalalka iyo bulshada. Waxanan ku rajo weynahay in aan yeelan doonno wada shaqayn aad u wanaagsan.
A Goth
UK


















