|
|
|
| Hargeysa,(Idhanka) – Guddoomiyihii guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Xisbiga Kulmiye dhawaan Magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa shalay iska casilay xilkaasi kadib markii uu ku guuldaraystay inuu ka mid noqdo xubnaha xukuumadda Cusub ee la filaayo in Madaxweynaha Cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo uu magacyadooda maanta ku dhawaaqo, sida ay ilo xogogaal ahi ay Haatuf u sheegeen, Madaxweynaha cusub ayaa maalintii doraad u quus gooyey saddexda guddoomiye ku xigeen iyo xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye rajadii ay ka qabeen inay ka mid noqdaan golihiisa wasiirada, iyadoo sida la sheegay Madaxweyne Siillaanyo xubnaha hogaanka xisbigiisa kula taliyey inay culayska saaraan siddii ay xisbiga ugu shaqayn lahaayeen isla markaana arimihiisa wax uga qaban lahaayeen.Guddidan uu C/raxmaan Cabdiqaadir guddoomiyaha u ahaa oo marka horeba sharciyadooda lagu muransanaa ayaa la sheegay in madaxweynaha la doortay doraad uu amar ku bixiyey inay hakiyaan hawlahooda kaddib markii mad madow laga soo sheegay hanaanka ay u wadaan hawshooda.
Qaar ka mid ah guddida ayaa warar xogogaal ah sheegeen inay kharash weydiisteen hay’adihii ay dabagalka ku sameynayeen, taasoo meelaha ay kharashka weydiisteen ay ka mid yihiin, baanka dhexe, agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada iyo meelo kale. Guddida ayaa lagu eedeeyey inay si khaldan u adeegsadeen hawshii loo igmaday iyaga oo la sheegay inay ku kaceen arrimo baalmarsan nidaamkii loogu talo galay inay ku shaqeeyaan taasoo ahayd inay wixii macluumaad ah ee ay helaan ku soo celiyaan madaxweynaha la doortay hase ahaatee taasi ma dhicin. Sidoo kale Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee uu madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo magacaabay ayaa maroorsatay hanaankii talada maamul ee dalka ka jiray, iyadoo la xaqiijiyay in warqad qarsoodi ah ay todobaadkii hore u kala direen taliyeyaasha ciidanka Bilayska iyo Qaranka ee gobolka Awdal taasoo ay ku sheegeen inay Awdal u magacaabeen guddi hoosaad ilaalisa hantida qaranka. Sidoo kale Habka guddidani u dhaqantay mudadii ay hawsha wadeen ayaa u muuqatay inay awooda talada ka hororsanayeen madaxweynaha la doortay. Si kastaba ha ahaatee baaqashada warbixintii laga sugayay guddidani inay soo bandhigaan ayaa dadka qaar ku macneeyeen in aanay guddidu marka horeba wax ay soo bandhigaanba aanay hayn halka dadka qaarkood sheegayaan in musuq maasuq ay ku kaceen xubno ka mid ah guddidani sababay inay hakad gasho hawshii ay wadeen. Source Haatuf |
















Posted in 





