Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)

Ref: Sharmoc2611009    

 Date:23 July 2010

Ujeeddo: Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) Oo Cambaareeyey Falka Dib Looga Celinayo Qaxooti Soomaaliyeed Una Digay Dowladda KMG ah

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu Cambaareynayaa wax laga xumaadana ku tilmaamayaa falka ay Dowladda Netherlands ay dib ugu celinayso Qaxooti Soomaaliyeed oo ay sheegtay in ay ku guuldareysteen in ay helaan waraaqaha Joogitaanka Dalka Netherlands.

Laanta Socdaalka Netherlands ayaa xaqiijisay in 24-ka bishan oo ku beegan maalinta Berri ah in qofka ugu horeeyo laga masaafurin doono dalka, loona celin doono Magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay go’aanka dib u celinta in uu yimid kadib markii Dowladda KMG ah ee Somalia ay kala saxiixdeen heshiis dhigaya in dadkaas dib loo celin karo.

Xubo Dowladda Somalia ka tirsan ayaa xaqiijiyey in uu jiro heshiiskaas, isla markaasna Wasaaradda Jaaliyadaha ay wax ka ogtahay, waxaana sida uu dhigayo heshiiskaan dadka haatan la celinayo ee diyaarka ah ay bilaaban doontaa 24-ka bishan July ila aiyo bartamaha bisha October 2010, waxaana arrintan noqonaysaa mid ka hor imaanaysa Sharciyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Qaxootiga gaar ahaan qodobka loo yaqaan 1951 Geneva Convention ee loo dejiyey Qaxootiga.

Arrintan ayaa walaac hor leh ku dhalisay dhamaan Hay’adaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha sida Amnesty International, Human Rights Watch, Refugee International iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool iyagoo ku tilmaamay in Arrintan ay tahay Qadiyaddii Soomaaliyeed oo magic Dowladeed looga ganacsanayo, waxaana Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc uu ka dalbanayaa Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somalia, Sheriif Sheikh Ahmed Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Md. Abdirashid Ali Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yusuf Hassan Ibraahim (Dheeg) iyo Wasiirka Jaaliyadaha oo Wasaaraddiisu ku lug leedahay falkaan in ay Caddeyn buuxda ka bixiyaan heshiiskaan ay la geleen Dowladda Netherlands.

Waxaa sidoo kale laga dalbanayaa Umadda Soomaaliyeed in ay ku banaanbaxaan go’aankaan khaldan oo haddii uu hirgalo Albaabka u furi doona kumanaan Somali ah in dib loogu celiyo koofurta Somalia, iyadoo dalal badan oo Yurub ah sida Denmark, Sweden, Finland, Norwey iyo Britain ay ku dayan doonaan talaabadaas haddii ay Netherlands ku guulaysato celinta qaxootigaas Soomaaliyeed, waxaana manta cid walba la socotaa Xaaladda Koofurta Somalia oo Adduunku ku tilmaamay meesha ugu khatarta badan Caalamka, iaydoo ay sii dheertahay khatar ay geli karaan dadka laga masaafuriyo Dalalka Europe.

Waxaa sidoo kale Cambaareeyey go’aankaan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee UN-ka ee fadhigiisu yahay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, iyagoo sheegay in shakhsiyaadka heshiiskaan la saxiixday Dowladda Holland in ay masuul ka noqon doonaan nolosha dadka haddiiba dib loo celiyo, iyagoo sidoo kale ka dalbaday dalka Netherlands in ay talaabadaas joojiyaan.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed ee (Sharmoc) iyo dhamaan Ururada Xuquuqda Qaxootiga waxa ay si wada jir ah u cambaareynayaan Falkaan iyo falka ay Maamul gobaleedka Puntland ay boqolaal kasoo jeeda degaanada Koofureed ee Somalia ay dib ugu celinayaan, iyagoo og khatarta ka dhalanaysa talaabadaas isna indha tiraya Sharciyada iyo Heshiisyada ka yaala Qaxootiga.     

Wabillaahi Towfiiq

Abdurahman Sheikh Hassan Gacal

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed (SHARMOC)

London, United Kingdom

Tel.442086967090

Fax. 442086967090

Mobile. 447983294906

Email. sharmoc@yahoo.co.uk,sharmoc@gmail.com

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player