Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC

 

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu Cambaareynayaa falkii Argagaxa lahaa ee ka dhacay Magaalada Kampala ee Wadanka UGANDA kaasoo ahaa Qaraxyo isxigxigay oo lala beegsaday Dadweyne isugusoo baxay mid kamid ah Goobaha lagu daawado Kubadda Cagta xilli ay daawanayeen dhamaadka Koobka Adduunka oo ka dhacayey South Africa.

Qaraxyadaan lagu weeraray Dadweynahan oo intooda badan ahaayeen Muwaadiniin u dhashay Dalka UGANDA ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dad ka badan 70 qof halka uu dhaawaco intaas ka badan yahay, mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay marka laga reebo soo dhoweyn ka timid Ururka Al-Shabaab xubno kamid ah, iyadoo qaraxaas dhibkii ka dhashay uu si weyn u saameeyey Bulshada Soomaaliuyeed eek u dhaqan Dalka UGANDA.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee SHARMOC waxa uu ka dalbanayaa Dowladda UGANDA in ay u falceliso si miirqab ah isla markaana ay Nabad gelyo u fidiso Bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan qaybaha kala duwan ee Dalka UGANDA, waxaa sidoo kale Sharmoc ay ka digaysaa in Falkaan uu si khaldan u saameeyo Jaaliyadda Soomaalida ee UGANDA.

Mar kale waxaa Guddigu Cambaareynayaa dadyowgii ka dambeeyey Qaraxa, waxa uuna ka dalbanayaa Adduunka in ay ka kaalmeeyaan dalka Uganda sidii loo heli lahaa dadkii ku kacay falkaas Argagixisanimo kaasoo lagu beegsaday dad aan waxba galabsan oo rayid ahaa, taasoo ka hor imaanaysa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha,Diinta Islaamka iyo Dhaqamada Wanaagsan ee Bulshooyinka Horumaray.

Ugu dambayn Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee SHARMOC waxa uu ku celinayaa in Dowladda UGANDA ay si buuxda u u ilaaliso Ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda, wixii loo gaysatana ay masuul ka noqon doonto, waxaa sidoo kale Bulshada Soomaalida loogu baaqayaa in ay si foojigan ula socdaan Xaaladda Cakiran ee Magaalada Kampala ay mareyso kana kaalmeeyaan Laamaha Ammaanka ee Dalkaas wixii baaris ah ama Su’aalo ah oo looga baahdo.  

Wabillaahi Towfiiq

Be Sociable, Share!
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash player