Faallo gaaban oo ku saabsana Dhismaha Dawladda cusub ee Madaxweyne Siiraanyo By Abdirahman Barre

SCW/ Salaan ka dib haddaan wax yar figraddayda ka dhiibto sida uu md. ahmed mohamed (siiraanyo ) u soo dhisay dawladdiisa cusub,  way habboontahay inuu dawlad yar soo dhiso, balse markuu beeshiisa habar-jeclo saddex wassiir siiyay, sacad-muusena lix wassiir, dadka kale ee beelaha kale ka soo jeedana laba wasiir ha qaataan, sida samaroon iyo dhul-bahante,  arrintaasi isaga iyo la taliyeyaashiisu sidee ayay maskaxda uga keeneen, balse caddaaladdii uu ku baaqaayay ee uu lahaa caddaalad ayaan rabaa inaan sameeyo, ma waxay noqotay inuu ciddii si fiican codka u siisay uun hooya qaata yidhaahdo, mise waaba uun biyo sacabkaaga ayaa laga dhergaa beeshaada ka dhergi.

Waana tallaabadii koowaad ee uu qaado hawlo kale oo ballaadhanina way u dambeeyaane bal aynu eegno wuxuu samayni doono, waxan sugnaana waxay noqon inuu noqdo madaxwayne hogaaminaaya dawlad citiraaf doona oo buuq iyo rabshado u baahnayn oo caddaalad lagu raadinaayo citiraafkeeda iyo inuu noqdo madaxweyne weli balaygubadle jooga oo calan-castii oo kali ahi talooyinka siinayaan, oo ay wax-walba annaga na sii ugu cago juglaynayaan, kollay  weli arrintu waa bilaw balse sida ay ku bilaabantay dhan-dhankeedu ma fiicna- waana hubaal kollay inay dhinac kale malab u tahay,

Allahayoo Sidii Roon.

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes