July 30, 2010
By: Idhanka
Category: News
Borama(Idhanka) Masjidkan Bilaal oo dhismihiisa dhawaanahan faraha laga qaadaykaas oo ku yaala degmada Borama, waxaana dhismihiisa ka qayb qaatay Bulshadadegan degan magaalada Borama iyo nawaaxigeeda, iyo waxoogaa faro ku tiris ah,oo qurba jooga kana soo jeeda deegaanada Gobolka Awdal,hadaba masjidkan ayaalaga soo bilaabo Bishshii todobaad ee sanadkan ilaa dhamaadkii bishan , ayaawaxaa ka socday duruus diiniya oo kala duwan, kuwaas oo kala ahaa,Tafsiir JisCama,Miatul xadiis,Abushujaaca Fiqi.
Kitaabtan ayaa badankooda waxaa Marinayay , Musheekh ay kamid yihiin
-
Sh/IbraahimMiicaadTafsiir
-
MustafeIbraahim Abuushujaaca
-
C.naasirX/aadam Miatul Xadiis
Ardayda Mudadaa Bisha ah ku xidhnaa ayaa waxa ay korudhaafayeen 45 Arday, Kuwaas oo iskugu jiray Rag iyo Dumar.
Hadaba Ardaydaas ayaa waxaa maanta la gudoonsiiyayShahaadooyin iyo abaalmarino.
Barnaamijkan diiniga ah fulintiisii hore ayaa waxaa lahaa,Shirkada Telesom Borama, taas oo uu Gudoomiyaha Shirkada AL-Xaaji C/qaadir AdamNuur ka gaystay Gacan wayn , Hirgalinta Barnaamijkan qaaliga ah.
Barnaamijkan ayaa dhinaca kale waxaa, Nidaamkeeda iyoAbaabulkeeda iska lahaa, Dhalin yaro Mutadawiciina oo ku xidhnaa MasjidkaBilaal, waxaana ay dhalintaasi kala ahaayeen
-
C/JabaarMuuse Daahir
-
XasanMaxamed C/.laahi(Guoomiyaha)
-
MustafeCabdi Axmed
-
ShaaficiXuseen Muuse
-
AaamiinAxmed Nuux
-
MuxiyadiinXuseen Xasan
Munaasabadan ayaawaxaa sidoo kale ka soo qayb galay qaar ka mid ah Culumada degmada Borama, Cuqaal, waxaana ka mid ahaa
-
Sh/MaxamedBile
-
Sh/YuusufXuseen
-
Sh/MustafeIbraahim
-
Sh/DaahirXaddi Bookh
-
CaaqilDugsiiye
Munaasabadan ayaa waxaa ay ahaydmid lagu dhex qabtay Masjidka Dhexdiisa, waxa ayna u dhacday Si degan oo ayfarxadi ku dheehantahay
Source-Bnn