Idhanka.com

News You Can Trust
Subscribe

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka Puntland

July 28, 2010 By: Idhanka Category: News

Arbaco, July 28, 2010 (Idhanka) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) ayaa xalay ugu baaqay islaamiyiinta dagaalka kula jira maamulka Puntland inay joojiyaan dagaalka si loo badbaadiyo dhiigga dadka Soomaaliyeed.

“Hogaamiyaha kooxda dagaalka kula jira Puntland waxaan ugu baaqayaa inuu joojiyo dagaalka si loo badbaadiyo dhiigga shacabka,” ayuu yiri Yuusuf Dheeg oo u warramayay Idaacadaha Muqdisho qaarkood isagoo ku sugan caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaalidu ay tahay Islaam, isla markaana aan lagu tilmaami karin gaalo, wuxuuna xusay in dagaalka uu yahay mid aan xiligan loo baahnayn.

Dagaal u dhexeeyay maamulka Puntland iyo koox islaamiyiin ah oo uu hoggaaminayay Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa isiintii todobaadkan ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac gaartay labada dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa wareysi uu shalay siiyay idaacadda ay dowladdu maamusho ku sheegay in gacan laga siiyo Puntland dagaalka ay kula jiraan koox uu sheegay inay xiriir la leedahay Xarrakatul Shabaab oo gacanta ku haysa inta badan koonfurta Soomaaliya.

Hoggaamiyaha kooxda islaamiyiinta ah Sheekh Atam ayaa ku baaqay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro Puntland, isagoo sheegay in ujeedadoodu ay tahay sidii diinta Islaamka loogu xukumi lahaa Puntland.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo isaguna hadal u jeediyay saxaafadda intii uu socday dagaalka ayaa sheegay in kooxdan ay weerar kusoo qaadeen dowladdiisa, wuxuuna dalalka dariska ah ugu baaqay inay gacan ka siiyaan dagaalkaas.

Source-hol

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes

Idhanka.com © 2009 - All Rights Reserved.

Designed by Abdikarim Awgamboole