Dowladda KMG-ka ah oo wadahadal ugu baaqday kooxaha kasoo horjeeda
Khamiis, 29 July, 2010 (Idhanka) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay wadahadal la furayso kooxaha dagaalka kula jira, si loogu dhammeeyo dagaallada dabada-dheeraaday ee ka taagan dalka.
“Qorshaha dowladdu waa inay wadahadallo la gasho kooxaha kasoo horjeeda iyo qof walb oo Soomaali ah si dalka looga saaro dhibaatada,” ayuu yiri Wasiirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Xuseen Warsame Siyaad oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.
Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay irdaha wadahadalka u furtay kooxaha kasoo horjeeda, wuxuuna sheegay inay dhankooda ku deg-degeyn dagaal ay la galaan kooxahaas inta la heli karo wadahadal.
Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo ururka Xisbul Islaam oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay inaysan wax wadahadal ah la galayn DKMG ah, oo ay ku eedeeyeen inay dalka ku hayso ciidanka AMISOM.
Hadalka wasiirkan ayaa imaanaya iyadoo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu dhawaan sheegay inaysan wax wadahadal ah la furayn Xarakatul Shabaab oo uu ku eedeeyay inay tahay koox argagaxiso oo xiriir la leh Al-Qaacida.
Dowladda Soomaaliya oo jirta muddo sannad iyo bar ka badan ayaa waxay gacanta ku haysa qayb yar oo Muqdisho ka tirsan, halka xoogagga kasoo horjeeda ay maamula
Source-Hol


















